BURCO: Nin Kufsaday Gabadh Yar Oo 9 Jir Ah Oo Uu Hooyadeed Qabo Oo Dhimatay Iyo Maamulka Gobolka Togdheer Oo Ka Hadlay Dhacdadan Foosha Xun

Nin lagu magacaabo Siciid Maxamed Faarax (Dugle) ayaa magaalada Burco ku xidhan, Kadib markii ay halkaasi ku geeriyootay gabadh yar oo 9 sanno jir ah oo la Kufsaday, Iyadoona la sheegay in geerida ku timid ay sababtay Kufsi loo gaystay, Waxaana Arintaasi lagu eedeeyay Ninkii Hooyadeed Qabay.
Farxiya Maxamed Salaad oo ah Hooyada dhashay Gabadha yar ee la Kufsaday, ayaa codsatay in sharciga la waafajiyo cidda ka dambaysay falkaasi.