“Miisaaniyadii Wey Muddo Dhaaftay, Ilaa Haddana Golaha Lama Hor Keenin” … Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Siciid Gaane)

Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo Khayraadka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Siciid Gaane),ayaa Xukuumadda Muuse Biixi ugu baaqay in sharciga ilaaliso, oo heshiis kasta oo ay galayso Golaha Barlamaanka hor keento, waxaanu xusay in Xukuumaddii hore ay sharciga baalmartay.

Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo Khayraadka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Siciid Gaane),oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Miisaaniyadda, Sicir bararka, Saldhiga Milatari ee Berbera, wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo baaq u diraya Xukuumadda Muuse Biixi “Xukuumadda Muuse Biixi, waa inay ka feejignaata inay sharciga baalmarto sidii Xukuumaddii hore, oo Xukuumaddii hore waxa dhaqan

iyo caado u ahayd in wixii heshiisyo ah iyo kuwa caadiga ah ee ay gasho in aanay Golaha hor keenin, balse Xukuumadda waxaan leeyahay waa in wixii heshiisyo ah ee aad gashaan Golaha Barlamaanka hor keentaan, haddii ay tahay heshiisyo Shirkado Shidaal iyo haddii ay tahay heshiisyo kale oo dalkaba ah, waxaana hubaal ah in Xukuumaddii hore heshiisyo ay gashay oo Barlamaanku cod aqbaliyad ah ku ansixiyey inay haddana iska dhego tirtay, oo ay baalmartay, sida heshiiskii haamasha shidaalka”.

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa yidhi “Xukuumaddu si cilmi iyo aqoon ku dhisan ugamay fikiri xal u helida sicir bararka, ee go’aamo laab la kaca ah oo u muuqda in aanay soconaynin, xalna u noqoynin sicir bararka ayey soo saartay, markaas waa inay Xukuumaddu si fiican uga baaran degta xal u helida sicir bararka, ee meelaha ugu muhiimsan ee wax lagaga qaban karo toos u abaarta”.

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey Miisaaniyadda ayaa yidhi “Miisaaniyadii wey muddo dhaaftay, ilaa haddana Golaha lama hor keenin, ee waa in sida ugu dhakhsaha badan Xukuumaddu Miisaaniyadda u hor keentaa Golaha Wakiilada”.

Mar uu ka hadlaayey Saldhiga Milatari ayaa yidhi“Anigu waxaan aaminsan nahay in Saldhigaas Milatari, sida cadna waxa uu Somaliland ku soo kordhin karaa nabadgalyo daro, sidaas oo ay tahay inaynu ku iibsano wax muhiim ah, ayey aniga ila tahay, oo wax muhiim ah oo aqoonsi dawladeed, Miisaaniyadeena oo ay kabana, oo joogto u kabaan, haddii aanay inaga siisanaynin, oo ugu yaraan laba bilyan, oo doolar ay ku kabaan Miisaaniyaddeena sannadkii, oo heerka Dibalamasiyada ee aynu joogno kor u qaadanaynin, oo Basaboorkeena aanay fisahooda ku dhufan, oo aanay ogolaan, anigu garan maayo sabab saldhiga loo siiyo,mashruuca Waddada Berbera Wajaale kun mashruuc ayaa la yidhi wey ku jirtaa, kun heshiis bay ku jirtay, anigu garan maayo goor ay dhammaanayso, wax mar ahna lagu iibsan karo Saldhig Milatari, Saldhiga Milatariguna saamayntiisa nabadgalyo ayuu leeyahay, horena golaha wax loo keenay qoraal afsomali ku qoran aan saxeex lahayn, cidina barigaas waxba may kala saxeexan”.

Mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Xukuumaddii hore si jilicsan oo aan loo baahnayn ayaa wada hadalada Somaliya u gashay, laakiin halkii loo baahna in la abaaro may abaarin, waxa loo baahnaa inay abaarto oo xooga saarto madax banaanideena, ee qodobo aad u jilicsan oo aan daruuri ahayn ayey wada hadaladii lagu soo koobay, qodobo badan oo lagu heshiiyeyna Somaliya ayaa jabisay, sidaas oo ay tahay hadda taladaydu waa qorshihii hore ee wada hadalada wax ha laga bedelo”.