DAAWO ; Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum General Cismaan Dacas Oo Magaalada Hargeysa Ku Geeriyooday.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay  Janaasadda marxuum General Cismaan Cawad Xaashi (Cismaan Dacas)  oo ka tirsanaa saraakiishii salka u dhigay ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, xilal kala duwanna kasoo qabtay ciidanka oo maanta lagu aasay xabaalaha Baqiic ee duleedka Waqooyi ee caasimadda Hargeysa.

aas qaran 2

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadallo kooban oo ka jeediyey goobta aaska, waxa uu kaga sheekeeyey doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu marxuumku ku lahaa aas-aaska ciidamada qaranka iyo sidii uu naftiisa ugu huray inay Somaliland yeelato ciidan taabbo-gal ah oo difaaca, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Marxuumku ilaa maalintii  uu ciidanka galay ilaa maanta oo uu geeriyooday nin ciidanka u shaqeeya ayuu ahaa, halgankii SNM-na ciidamada Bariga ayuu haysan jirey, markii dalka lasoo galayna ciidanka qaranka raggii aas-aasay  ee ciidanka qaranka Somaliland salka u dhigay buu ahaa, taliyihii labaad ayuuna ahaa, in muddo ah wuu xanuunsanayey, intii uu noolaana dadkii qarankan noloshooda u huray, ayuu ahaa.”

aasqaran

Madaxweynuhu waxa uu  marxuumka eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku macsuumo, ehellada, qaraabada, qoyska iyo guud ahaanba qaranka Somaliland-na samir iyo Iimaan degdeg ah ka siiyo.