Daawo Wasiirka Beeraha Somaliland Iyo Madaxa Ugu Sareeya Haayadda Faw Oo Mashaariic Ka Fulinaya Deeganka Lafta Boqor Ee Gobolka Gabiley

Gabiley(GNN)Wafti Uu Hogaaminayo Waiirka Beeraha Oo Ay Wehiliyaan Agaasimaha Guud Ee Wasaarada  Beeraha Iyo Madaxa Haaayada Faw Ayaa Kormeer Kuso Gaadhey Deegaanka Lafta Boqor Oo Ka Tirsan Gobolka Gabiley,Wuxuna Socdaalkodu La Xidhiidhey Qalab Casriya Oo Haayadda Faw Ugu Deeqdey Bulshada Deegaanka sI Ay Umunaafacaadsadaan Iyo In La Dhegeysto Baahiyaha Uu Deegaanku Qabo Si Looga Jawaabo ,Kormeerkan Ayaa Waxa Wasiirka Kala Qaybgaley Badhaasbka Ku Xigeenka Gobolka Ku Xigaha Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley,

HALKAN HOOSE KA DAAWO VIDEO

Waxana Ugu Horeyn Madasha Ka Hadley Guduomiyaha Deeganka Lafta Boqor Iyo Masuuliyiinta Deegaanka Oo Sharaaxad Ka Bixiyay In Ay Jiraan Baahiyo Kala Duwan Oo Uu Deegaanku Qabo,Maamulka Gobolka Iyo Kan Degmada Ayaa Tilmaamaya Hanaanka Deegaanka,Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Beeraha Maxamed Aadan Cilmi Oo Hadalka Qaatey  Ayaa Geestiisa Bulshada Ku Dhiirigalinaya In La Tabcado Beeraha Waxsoosarka Beerahana Awooda La Saaro,Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland  Axmad Muumin Seed Iyo Madaxa Haayadda Faw Ayaa Tibaxaya In Ay Doorbidayaan In Deegaanka Laga Hirgaliyo Farsamoooyin Sahlaya In Bulshada Deegaaanku Ay Isku Filnaasho Gaadho Madama Waxsoosaarka Beeruhu Ay Yihiin Waxa Waddan Ku Hormaro Bulshana Kaga Maaranto Raashinka Dibadaha Uga Yimaada,

 

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEYNEWSNETWORK(Gabiley.Net)

GABILEY 0FFICE