Dawlada Jabuuti Oo Cadeysay In Aaney Jeclaysan Heshiiska Saddex Geesoodka Ah Ee Dekada Berbera Oo Ay La Yaabtey

Dawlada Jabuuti ayaa sheegtay in aaney jeclaysan oo ay la yaabtey wakhtiga lagu beegay heshiiska saddex geesoodka ahaa ee dekeda Berbera.

Heshiiska ayaa la saxeexay laba bilood ka dib markii ay Jabuuti xidhiidhka u jartey dawlada shirkada Dp World .

Safiirka Djabuuti u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Danjire Maxamed Idirs Farax ayaa sheegay in inkasta oo dawlada Jabuuti la yaabtey wakhtiga lagu beegay heshiiska haddana in aaney dhib u arkeen tartan ka soo waajaha dekada Berbera .

Waxaana uu sheegay inay ogyihiin in Itoobiya iyo Somaliland mawqifkoodu yahay tartan caafimaad qaba , lakiin Dp World tartankoodu uu yahay tartan aan caafimaad qabin .

Danjire Idiris oo u waramey Wargeyska The Capital oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa yidhi

” Xidhiidh wanaagsan ayaa ka dhaxeeya Itoobiya iyo Jabuuti wakhti badan ayaana ay soo wada mareen sidaas darted warwar kama qabno arinta [ Heshiiska dekada Berbera ]xaqiiqdiina in dekado badan uu gobalku yeesho waa wax u wanaagsan bulshada bariga Africa .

Waa wax wanaagsan in dekada Berbera iyo Kenya la horumariyo marka la garab dhigo kuwa galbeedka Africa waa dekadao Yar Djabuti na afka uma wada dhigan karo Malaayiin Koontaynar sanadkii , sidaas darteedna waa wax wanaagsan waanan shaqeyn karnaa dhamaantayo Djabuuti , Berbera iyo Lamu uma arkaayo tartan aan wanaagsan ”

Safiirka ayaa la weydiiyey bal malihiisa ku saabsan heshiiska dekada Berbera iyo Saamiga Itoobiya ka iibsatay maalgashiga dekada Berbera ee Dp World ay gacanta ku hayso iyo khatar ka soo waajihi karta waxaanau safiirku yidhi

” Maya Djabuti iyo Itoobiya muddo dheer ayey is yaqaanen wakhtiyo wanaagsan iyo kuwo adagna waanu soo wada marnay , sidaas darted arintani ma qasi karto xidhiidhka dhinacyada badan , iyada oo arintan oo kaliya aanu ku saleysneen xidhiidhkayagu .

Wada jir ayaanu uga wada shaqeynaynaa arimo badan oo aan mid ka mid ah ka magaabi karo oo ah amaanka iyo nabadgalyada , wada jir ayaanu u dagaalanaa , wada jir ayaanu isku meel ugu dhimanaa , markaas bari xataa hadii uu hogaamiye cusub yimaado ma aha wax uu dib u celin karo sababta oo ah xidhiidh kaygu waa uu adag yahay markaas ma jiro wax laga war waro ”

Safiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi ” Itoobiya waa dal u madax banan in uu heshiisyo saxeexo waanan u aragnaa wax caadi ah oo ah sida aanu anaguba u madax banaan nahay . waxa naga yaabiyey waxaa weeye wakhtiga [ go,aanka heshiiska saddex geesoodka ah ] markii aanu joojinay xidhiidhkaygii Dp World , Itoobiya heshiis ayay iyaga [ Dp World ] la saxexatay . lakiin anaga heshiiskani sinaba dhib nooguma hayo . mar labaad Itoobiya waa dal madax banaan arintani na ma qasi doonto xidhiidhkayga wada xaajoodkuna waxuu bilaabmay laba sanadood ka hor oo waanu ogeyn .”

Safiirka ayaa mar kale Wargeysku weydiiyey bal in uu dhib ku keeni karto heshiiskani Djabuti madaama Itoobiya 90 % ay shixnadaheeda kala soo degto dekada Jabuuti , hadana ay saami ka heshay dekada Berbera ee Somaliland .

Safiirka ayaa waxaa uu sheegay in uu aaminsan yahay inuu heshiiskan saddex geesoodka ahi marnaba dhib ganacsi ku keenan dalka Jabuuti , waxaanu xusay in yoolka Jabuuti yahay dalalka ka baxsan Itoobiya ee aan dekedaha laheyn in ay u adeegto

” Markaas hadii ay istiraajiyadu ay sidaas tahay oo aanu fulino nama qasayaan tartanka dekadaha kale ” ayuu yidhi

Waxaase mar kale safiirka la weydiiyey in marka ay Djabuuti ku mashquulsantahay horumarinta dekedaheeda ay Dp World naftigeedu ay horumar sameynayso waxaana uu yidhi

” waa tartan dheeraad ah oo aan dhinacooda caafimaad qabin , lakiin ma ah Itoobiya iyo Somaliland dhinacooda wanu ognahay “ayuu yidhi

Source:- Geeska