Deg Deg:- Madaxweyne Donald Trump Oo Iminka Xilkii Ka Qaadey Xoghayihii Arimaha Dibada Mareykanka Iyo Doorka Imaraadku Ku Lahaa.

Washinton(GNN):-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqadii ka eryay
Xoghayihiisii Arrimaha Dibadda, Rex Tillerson, isagoo ku beddelay agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, Mike Pompeo.

Madaxweyne Trump ayaa eryidda Tillerson iyo magacaabista Pompeo ku shaaciyay fariin dhinaca Twitterka uu soo dhigay.

Waxa uu yidhi “Wuu ku mahadsanyahay Rex Tillerson shaqadii uu qabtay. Agaasiamaha cusub ee hay’adda CIA ayaa waxa noqoneysay haweeneydii ugu horeysay ee madax ka noqota CIA, Gina Haspel, hambalyo dhamaantiin.”

Eryidda xoghayaha arimaha dibada Mareykanka ayaa waxay ku soo beegmaysaa isagoo safar shaqo ah ugu maqan qaaradda Afrika, iyo sidoo kale xili ay soo baxeen codsiyo sir ah oo mareykana uu uu diray dalka Imaraadka oo ka codsade in Rex Tillerson xilka ka qaado

Gabiley News Network

contactgabileynews@gmail.com