Halkan Ka Akhri Nuxurka Wareegto Amar Ah Oo Uu Madaxweyne Biixi Dul Dhigay Wasiirada Iyo Madaxda Hay’adaha Madaxabanaan Ee Dawladda.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa golihiisa xukuumadda iyo hay’adaha madaxabanaan ee Somaliland dul dhigay amaro la xidhiidha isticmaalka warbaahinta.

Wareegto madaxweyne oo uu Madaxweyne Biixi soo saaray kuna taariikhaysan 28/02/2018 oo lagu socodsiiyay wasaaadaha iyo hay’adaha madaxabanaan, ayaa wuxuu madaxweynuhu masuuliyiinta ku wargeliyay in xukuumadu ku hawlantahay nidaamka adeegsiga saxaafadda, wuxuuse masuuliyiinta faray inaanay hadalo isu marin warbaahinta islamarkaana ay ku wada xidhiidhaan telefoon ama qoraal. Wareegtada madaxweyne Biixi oo aan saxaafadda loogu tallo gelin, loona qaybiyay wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda oo uu Geeska Afrika nuqul ka mid ah helay ayaa  u qornaa sidan:

“Ku: Wasaaradaha dawladda Jamhuuriyadda Somalialnd

Ku: Hay’adaha dawladda Jam Somaliland ee madaxabanaan

Ujeedo: Nidaamka adeegsiga warbaahinta ee masuuliyiinta xukuumadda

Mudanayaal iyo marwooyin

Waxaan idinla socodsiinayaa, in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlantahay nidaamka adeegsiga saxaafadda, taas oo inooga baahan in aynu horumarino qorshaheena ku aadan wararka ama warbixinaha la siinayo warbaahinta.

Sidaas darteed, waxaan idin farayaa

  1. In masuuliyiinta kala duwan ee xukuumadu ku wada xidhiidhi karaan oo keliya qoraal rasmi ah (official letter) ama telefoon.
  2. In aanay masuuliyiinta xukuumadu hadallo isu marin karin warbaahinta
  3. In masuul dawladeed oo ka hooseeya madaxa ugu sareeya wasaarad, hay’ad iyo wakaalad, aanu hawlaha xafiiska kala hadli karin saxaafadda, isagoo aan fasax ama ogolaansho u haysan.
  4. In masuuliyiinta xukuumaddu ayna ka hadli karin arin ka baxsan xilka iyo masuuliyadda loo igmaday, oo aanay u haysan ogolaansho.
  5. In ay reebantahay in qof shaqaale ahi warbaahinta mariyo hadalo ka hor-imanaya sharciga shaqaalaha sida, hadalada siyaasadda, qabyaaladda, cabashooyinka IWM.

Waxaan idinka rajaynayaa in aad awaamiirtan fulin doontaan, islamarkaana u daadejin doontaan heer gobal iyo heer degmo.”

Source Geeska Africa News