Haween weynaha Xisbiga KULMIYE oo Taageeray Heshiiska Shirkadda DP World, Maamulka Muqdisho-na Farriin Culus u Diray

Hargeisa(GNN):-Hoggaanka garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa muujiyey sida ay taageero hiil iyo hooba leh ula garab taagan yihiin xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo heshiisyada ay shirkadda DPWorld ku maal-gelinayso marsada Berbera.
Hoggaanka garabka oo isugu jira heer gobol, heer degmo iyo heer qaran oo ay hoggaaminayso guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE, Marwo Dalays Shire Faarax, ayaa sidoo kale si adag uga dhiidhiyey gardarrada ay xukuumadda Muqdisho kusoo qaadday maalgelinta Marsada Berbera, waxana ay madaxda maamulka Muqdisho uga digeen inay shacabka reer Somaliland dib usoo xasuusiyeen dhibaatooyinkii iyo hadimooyinkii kasoo gaadhay taliskii Militeri ee Soomaaliya.
Ugu horrayn xubno kamid ah haweenka firfircoon ee xisbiga KULMIYE oo ay kamid yihiin, Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, Hodan Axmed Taraafi, Faadumo Aadan Cawed, Saado Yuusuf, Canab Jaamac Xasan, Rooda Cali Odowaa iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dhibaatadii loosoo maray qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo horumarka uu qaranku gaadhay, waxana ay maamulka Muqdisho uga digeen inay faraha la galaan dhibka ay ku hayaan maalgeilnta marsada Berbera, iyaga oo intaas ku daray inay taageero buuxda la garab taagan yihiin xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.


Guddoomiyihii hore ee garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee heer qaran, Marwo Canab Cumar Ileeye, ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay in maamulka Muqdisho uu weli kasoo horjeedo horumarka Somaliland, waxana ay tidhi, “ Muddo 28-sanadood ah iyada oo la kala maqan yahay in marba hadal laab la-kac ah la iskaga hadaaqo, waa wax lala yaabo, annaguna haddii aanu Somaliland nahay ikhtiyaar waxanu u leenahay inaanu ciddii aanu doonno la saaxiibno, haddii ay DPWorld tahay iyo haddii ay cid kale tahay, cid aanu ka haybadaysanaynaana ma jirto.”
Guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE, Marw Dalays Shire Faarax, ayaa iyaduna shaacisay inay haween ahaan si buuxda u taageersan yihiin qorsheyaasha midho-dhalka ah ee uu madaxweyne Muuse Biixi ku hoggaaminayo qaranka, waxana ay fariin cad u dirtay maamulka Muqdisho, waxana iyada oo arrimahaas ka hadlaysa ay tidhi, “Madaxweynaha, Ku-xigeenkiisa iyo goleyaashayada kala duwan ee qaranka waanu ku taageersanahay horumarka iyo tallaabooyinka muhiimka ah ee ay qaadeen, iyaga ayaanu taladayada u dhiibannay, waana aanu garab taaganahay, dawladda Xamar ee taagta daranna waxanu leenahay hannagu lu’ go’ina, tiisaba daryeele ayaa mid kalena ku daree Xamareey taada daryeel, madaxweynahayagana waxanu leenahay sidii aanu kuu dooranay, ayaanu kuu jecel nahay, dhammeenteen waxanu ka midaysanahay difaacidda dalkeena, dekeddeenana inaga ayaa iska leh.”