Muj Cali Guray Oo fashiliyay Wadamo Isku Bahaystay In Ay Burburiyaan Rajada Shacabka Somaliland Iyo Doorka Maamulka Muqdisho.

“Shirqoolada ka Dhanka ah Somaliland Ma Yara, Dagaalkuna Wuu Dhaafsiisan Yahay Dekedda Berbera, Turkiga & Qadar Iyo Inta la Halmaasha Ayaa Udhan” Cali Guray

AAN KU TUMO HADANA HAYGA TEGIN TAAGNA KUMA DHAAMO!!!

Saldhiga Milatariga ee Turkiga ay siisay dawladda Muqdisho ee ka soo horjeeda horumarinta dekedda Berbera waa kan ugu waayn ee Turkuga ku leeyahay dhul ka baxsan dalkiisa. Taasi miyay tahay mid u diyaar ah wadahadal ama dan ka leh midnimo soomaaliyeed mise nolosha dadka Somalilandba way ka xun yihiin?

turki and qadar

Somaliland waxan leeyahay iska Ilooba wadahadal isagu wuu dhintay oo dawladda Muqdisho iyada ayaa gacanteeda ku Somalilandna si cad ugu sheegtay oo cod dheer ku tidhi idinma rabno ee waanu idin burburinaynaa. Waa caqligii Cabdi Iidaan Faarax AHN eh lixdanaadkii inoo sheegay uu lahaa: AN KU TUMO HADANA HAYGA TEGIN TAAGNA KUMA DHAAMO waa kaa caqliga Muqdisho yaalaa.

CALANKA TURKIGA

Bal imika Yugaandhiis iyo Ruwaandiis ay amniga Muqdisho ay u daba fadhidaa tan ku taamaysa Berbera. Itaal ay nabadgelyada Mudisho ku sugi karto ma laha oo taagi waa ka intaa Berberana way ku taamayaan iyo inay burburiyaan rejeda Somaliland. Shirqoolada ka dhanka ah Somaliland ma yara dagaalkuna wuu dhaafsiisan yahay Dekedda Berbera Turkiga iyo Qadar iyo inta la halmaasha ayaa u dhan inay Somaliland jilbaha dhulka ugu dhuftaan. Markaa dawlad iyo shacbi in la feejignaado oo loo midoobo badbaadinta xaqa ummada Somaliland oo la iska difaaco ayaa loo baahan yahay. Talo midaysan oo loo wada dhan yahay ayaa loo baahan yahay masuuliyaddana looma sinna ee waa la kala leeyahay oo ciddii loo igmaday Hogaaminta Talada Ayaa leh Masuuliyadda koobaad.