War Deg Deg Ah:- Abwaankii Ismaaciil Cabdi Basbaas Oo Goor Dhawayd Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Hargeisa(GNN):-Alle haw naxariistee waxa goor dhawayd magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Ismaaciil Cabdi Guure  (Basbaas) oo ka mid ahaa abwaaniintii hobolada waaberi.

Alle haw naxariistee abwaan Basbaas ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ku xanuusanayey magaalada Hargeysa, isaga oo xaalad caafimaad u jiifay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Ismaaciil Cabdi Basbaas Ayaa Alle Ha U Naxariistee Ka Mid Ahaa Rukumadii Waaweynaa Ee Fanka Somalida Doorka Laxaadka leh Kasoo Qaatay, Waxaana Uu Ahaa Jilaa Matela Sameeya Riwaayada iyo Dhaqanka Somalida.Waxaana Marxuumka Lagu Xasuusan Doonaa Doorkii uu ku lahaa Riwaayadihii wacyigalinta ahaa ee Soo Jilay.