“Waxan Ku Talin Lahaa In Hadalo Aan Micno Badan Lahayn Aanay Waxyeelayn Sooyaalka Taariikheed Ee Ka Dhexeeya Somaliland Iyo Jabuuti”Muj.Maxamed Xasan C/laahi(Jidhif)

Taliyihii Hore ee ciidanka Qaranka Somaliland Muj.Maxamed Hassan C/laahi (Jidhif) ayaa si qotodheer uga hadlay danaha guud ee ay wadaagaan Jamhuuriyada Somaliland Iyo Jabuuti,waxaanu taliye Jidhif oo ka mid ahaa saraakiishii SNM khaasatan saraakiishii dhinaca xeebta in badana u soo taagnaa waayihii duruufeed ee ay soo martay Somaliland meel adag iska taagay ilaalinta xidhiidhka Somaliland iyo Jamhuuriyada jabuuti,waxaanu qoraal kooban oo uu soogaadhsiiyay qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah u dhignaa sidan

“Hadii aan dul istaago Jamhuuriyada Jabuuti roolkii ay ka qaadatay taariikhdii murugada lahayd ee ina dhexmartay  inaga iyo nidaamkii dictaatooriga ahaa ee Maxamed Siyaad Bare  sanadadii sideetanaadkii iyo sagaashanaadkii oo mudane Xasan Guuleed Abtidoon isaga oo madaxtooyada Somaliya la jooga  Maxamed Siyaad Bare  ku yidhi arimaha woqooyiga ka dhacaya indhaha ka qarsan mayno,waqtiyadaas oo ay ku gadaanaayeen gayigeena duruufo adag shacabka Somaliland waxay miciinsadeen soo dhawayn ay siisay Jamhuuriyada Jabuuti iyada oo ay adkaan lahayd in la xoreeyo xeebaha galbeedka Somaliland oo ahaa jiido xaasaasi ah juquraafi ahaana ah dhul dhinaca dagaalka ku adag madaama yahay dhul xeeb ah, buuralay ah,Dooxyo  iyo xeeb ah sidoo kalana ay adag tahay in si fuddud loo helo gargaarka dhinaca saanada ah,tusaale ahaan waxaa xiligaas oo aan ka mid ahaa hogaamiyayaashii ururkii Xaq u dirirka ahaa ee SNM  khaasatan aan ahaa  taliyihii guutadii 99aad oo dagaalo qadhaadh waqtigaas  nadhexmarayeen maamulkii kali taliska ahaa ee Siyaad Bare waxa uu madaxwaynihii xiligaas ee Dalka Jabuuti naga caawin jiray taakulaynta dhinaca caafimaadka,Raashinka,shidaalka iyo sidoo kale saraakiil  badan oo ku abtirsada Jamhuuriyada Jabuuti oo  na garab istaagay iyada oo intaasi ay dheer tahay tijaartii reer Jabuuti oo gurmad dhinacyo badan leh nasiiyay.

Hadaba waxaa qurux badan in si taxadir leh loo eego xidhiidhka taariikhiga ah ee inaga dhexeeya dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti iyada oo wadan kastaa xaq u leeyahay in uu dhamaysto ama uu xal u helo arimaha masiiriga ah ee ka hor imanaya maslaxadiisa iyo arimihiisa khaaska ah tusaale ahaan Jamhuuriyada jabuuti waxay ka baxday heshiis ay ku wada jireen shariikada dekedaha maalgalisa ee DP World taasi wax macno ah uma samaynaso in la yidhaahdo khilaafka soo dhexgalay jabuuti iyo DP World waxa qayb ka ah heshiiska DP World la gashay Somaliland.

Gebogebadii  waxaan leeyahay   “waxa Umusha u dan ah ayaa Ilmaha u dan ah waxa Jabuuti u dan ah ayaa Somalilandna U dan ah Waxa Somaliland u dan ah ayaa jabuutina u dan ah” waxan ku talin lahaa waa in wixii madmadaw ah laga ilaaliyo taariikhda xariirta ah  ee dhextaal jamhuuriyada Somaliland Iyo Jabuuti mana haboona in la lumiyo xidhiidhkaas saaxiibtinimo ee inaga dhexeeya jamhuuriyada jabuuti iyo dhamaan wadanada aynu jaarka nahay” ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyay Muj.Maxamed Xasan C/laahi.

Si Kastaba ha ahaatee hadalka Muj.Jidhif ayaa ku soo beegmaya xili qaar ka mid ah  siyaasiyiinta Somaliland ay mudooyinkan u danbeeyay hadalo ku tuurtuurayeen dalka jabuuti oo dhawaan si shaqsiyana uga noqday heshiis ay hore ula gashay Shirkada dekedaha maalgalisa ee DP World oo laga leeyahay dalka isku taga Imaaraadka Carabta iyada oo shirkadani xiligan heshiis maalgalinta dekeda Berbera ah oo  30 sano ah la gashay xukuumada Somaliland  xiligana gacanta ay ku hayso shirkadaasi maarsada Berbera.