Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Oo Xilal Cusub Magacaabay.

Hargeisa(GNN):- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bile ayaa magacaabay Agaasimaha Waaxda Wacyi Gelinta Madaxtooyadda Somaliland.


wareegtadan oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay hadhwanaagnews, ayaa u dhignaa sidan “Laga bilaabo taariikhda kor ku xusan, waxa an kuu Magacaabay in ad noqoto
Xilkan cusub ayaa loo magacaabay in uu noqdo Ibraahim Abdiqadir Ibraahim oo lagu naanayso Ibraahim Eagle.

Agaasimaha Waaxda Wacyigelinta. Waxa muhiim ah in Bulshada iyo xukuumaddu wada socdaan. 

Gaar ahaan waa muhiim in Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ay si joogto ah u wacyigeliso bulshada iyaga oo siyaabo kala duwan loogu soo bandhigayo, horumarka iyo guulaha xukuumaddu sameyso. Waxa iyana muhiim ah in bulshada lala socodsiiyo siyaasadaha dhaqaale, wax-soo-saar iyo adeegyada bulsho ee xukuumaddu ku hawlantahay. Hadafka wacyigelinta an ka leenahay waa in la helo bulsho abaabulan oo rajo wanaagsan qaba oo si joogto ah uula socda horumarka dalkooda.

Madaxtooyada Somaliland waa muraayadda qaranka, taasi oo qasab ka dhigeysa in qof kasta oo xil ka qabta amma ka shaqeeyaa in uu ku sifoobo hufnaan, shaqo wanaag, karti, aqoon iyo daacadnimo. Arintaasina waa ta an maanta kuugu gartay in ad xilalkaasi qabatid. Xilka laguu magacaabay ee agaasime waa xil maamul oo ay hoos yimaadaan shaqaale kale oo aqoon iyo xirfadba leh. Sidaa darteed, waxa kugu waajib ah in aad dhisto waaxdaasi iyo shaqaaleheeda.

Tafaasiisha iyo hawlaha ku saabsan xilkaasi, waxa an kuugu soo gudbin doonaa warqad kale. Waxa an rajeynayaa in ad xilkaasi uuga soo bixi doontid sida uugu wanaagsan ee uugu waxtarka roon.

ALLA MAHAD LEH

Mohamed Ali Bile
Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada JSL.