Aqoonyahannada Reer Bristol oo Soo Dhaweeyey ardeydii Chevening-ka ee Reer Somaliland

Xalay oo bishu ahayd 6-dii bishi iafaraad ee 2018-ka, waxa magaalada Bristol lagu soo dhaweeyey afar ardey oo ka mid ahaa ardeydii sannadkan ku guuleystey deeqda waxbarasho ee Chevening-ka ahayd ee ay ugu deeqdey dawladda Ingiriisku ardeyda Somaliland. Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo abaabulkeeda ay lahaayeen aqoonyahannada deggen magaaladan Bristol qeybaheeda kala duwan oo dhacdey Hotel-ka Taajma Hal ee magaalada Bristol ayaa leysku weydaarsadey soo dhaweyn, kaftan iyo is xogwareysi.

Dhammaan aqoonyahannadii reer Bristol ee fidiyey casuumaddu waxa ay ugu hambalyeeyeen ardeydaa sidedaalka, kartida iyo waayo-aragnimada ay muujiyeen, iney ka mid noqdaan ardeyda helay aqoonta sare ee waxbarasho. Waxa kale oo dhamaan aqoonyahannadaasi ku dhiirigaliyeen ardeyda iney waddankii uga faa’iideeyaan aqoonta casriga ah ee ay barteen, kana hirgaliyaan waddankii afkaarro,  iyo madalo lagu soo bandhigo aqoontaasi ay kala tegeen waddankan Ingiriiska. Sidoo kale waxa aqoonyahannadu ku booriyeen ardeydaasi iney halkaasi ka sii wadaan dedaalkaasi oo ay noqdaan denjirayaal ka wakiil ah dhammaan reer Somaliland oo farriinta waddanka ay gaadhsiiyaan meel kasta, cidkasta, iyo madalkasta oo ay tagaan.

Dhanka kale waxa ay dhammaan ardeydii afartaa haa soo dhaweeyeen sida kalfurnaanshaha leh ee lagu soo dhaweeyey magaalada Bristol. Waxa kale oo ay balanqaadeen iney uga faa’iideyn doonaan aqoonta ay waddankan ka barteen marka ay sannadkan dhammaadkiisa ku noqdaan waddankii hooyo, iyaga oo balanqaadey iney dhiirigalin doonaan ardeyda waddankii, iyo aqoonyahannada waddankii joogaba.

Xafladda oo kaftan iyo aqoon isweydaarsiba lahayd waxa ay ku soo dhammaatey jawi aad u qurxoon oo labada wax badan isla qaateen.