Gabiley(GNN)Halkani Waa Deegaanka Odax Oo Hoos Timaad Deegaan Waynaha Botor Oo Ka Tirsan Gobolka Gabiley Dadka Deegaankan Waa Xoolo Dhaqato,Waxeyna Ku Tiirsanyihiin Beeraha Iyo Xoolaha Waxeyna NololMaalmeedka Kala Soo Baxaan Falasahda Beeraha , Deegaankan Odax Wuxu Hoos Tagaa Botor Oo Ah Goobta Magaalada Gabiley Iyo Nawaaxgeeda Siisa Biyaha,Walaw Uu Deegaanka Rooban Yahay Tigaanada Iyo Naxarada Beeruhuna Isku Badaleen Cagaar Hadana Waxa Jira In Bulshada Deegaanadan Ay Haysato Walaac Badan Oo La Xidhiidha Beerahooodii Oo Gabi Ahaanba Isku Badalay Laago Iyo Dooxyo Kuwaasi Mooraalka Ka Xumeeyay Dadkii Beeroqotada Ahaa Ee Doonayay In Dalka Laga Yagleelo Hanaan Ku Aaadan Barnaamijyo Cunto Beeris Ah,
HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA
Goobahan Waa Laago Waxey Soo Gaadheen Naxaradii La Munaafacaadsanayay Waxey Jareen Beerihii Iyo Dagagii Dadka Deegaankan Waxey U Arkaan Arin Keeni Karta Nabaad Guur Oo Khatar Ku Ah Waxsoosaarka Dalaga Beeraha Maamulka Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Oo Masuulka Ah Deegaanadan Ayaan Haba Yaratee Waxwara Ka Hayn Waxaanad Mooda In Ayku Mashquuleen Danahooga Gaarka Ah Oo Ayka Meeraysanayaan In Ay Fuliyaan Waajibaadka Ka Saarna Dadka Deeganadan, Bulshada Deegaankan Odax Ayaa Wasaarada Hormarinta Beeraha Iyo Haayadaha Maalgaliya Mashaariicda Beeraha Ka Codsanaya In Gargaar Deg Dega Lasoo Gaadhsiiyo Si Loo Samatao Bixiyo Beerahan Laagahu Jeexjeexeen Loona Helo Deegaan Badqaba,
REPORTER JACFAR CAWIL HERERI
GABILEYNEWSNETWORK(Ganiley.net)
GABILEY OFFICE