Daawo Shacabka Ku Ganacsada Toga Wayn Ee Wajaale Oo Ka Dayrinaya Xaaldaha Ku Gadaaman Xili Roobaadka Codsina Udiraya Maamulka Wajaale Oo Warba Uhayn

Gabiley(GNN)Halkani Waa Toga Wajaale Waana Xuduuda  Udhaxeeya Labada Dal Ee Somaliland Iyo Itoobiya Waana Tog Dhibaatooyin Badan Ku Haya Bulshada  Xili Roobaadka Madama Maamulka Wajaale Anay Wali Xil Iska Saarin Xalinta Dhibaatada Togan ,Daadadka Waawayn Ee Xiliyada Roobka Kuso Burqanaya Ayaa Dhibaato Baahsan Soo Gaadhsiiya Dhismyaasha Ku Ag Dhaw  Iyo Alaabaha Macashidaha Ah Ee La Iibinayo Sido Kale Waxa Laga Cabsi Qaba In Qashinka Ku Xeeran Toga Ay Ka Dhalan Karto Dhibaato Caafimaad Daro, Dadka Bacaadkan Toga Ah Fadhiista Ayaa Kaso Barakacey Goobihii Ay Alaabta Ku Iibin Jireen Kadib Markii Magaalada Wajaale Laga Bilaabay Hanaanka Wado Banynta Ee Town Bleynka,

HALKAN HOOSE KA DAAWO VIDEO

Dadka Masaakinta Ah Ee Ku Ganacsanaya Xadkan Ayaa Dhaqaalaha Soo Gala Ku Dabaraya Nolol Maalmeedka,Iyado Aanay Jirin Cid Ka Caawinasa In La Siiyo Goobo Waafiya Oo Ay Ku Qancaan Kuna Ganacsadaan, Dadkan Ganacsada Ah Ayaa Dawlada Ka Dalbanaya In Ay Helaan Meelo Ay Ku Ganacsadaan  Si Hadaba Shabakada Wararka Gabiley.Net Ayaa Waxka Waydiisey Bulsahdan Dhibaatooyinka Ku Xeeran Wakhti Xaadirkan,

 

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEYNEWSNETWORK(Gabiley.Net)

GABILEY OFFICE