M/Wayne Muuse Biixi Ayaa Maanta Ka Qaybgaley Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Marxuum Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe(Ibraahin Kacaan) Sawiro

Hargeysa (gnn)Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,

ayaa ka qayb-galay aas qaran oo maanta loo sameeyey marxuum xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) oo katirsanaa golaha wakiillada Somaliland, isla markaana shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Image may contain: 7 people

 

Aaska qaran ee maanta loo sameeyey marxuum xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan), ayey ka qayb-galeen kumanyaal katirsan shacabka iyo madaxda goleyaasha kala duwan ee qaranka, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo la xidhiidha taariikhdii marxuumka, waxtarkiisii iyo doorkii uu ku lahaa dib-u-dhiska qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, waxaana uu geeridiisa ka tacsiyadeeyey ehelka, qaraabada, qoyska iyo guud ahaanba qaranka Somaliland.

Image may contain: 2 people, people standing, wedding, sky and outdoor

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ku dheeraaday aqoonta durugsan ee uu u lahaa marxuum Ibraahim Axmed Haybe, waxaana uu ka marag-kacay dedaalkiisii iyo hal-adaygii uu caanka ku ahaa, waxaana uu yidhi,

Image may contain: 4 people, people standing, sky, wedding and outdoor

Shir-guddoonka golaha wakiillada, xildhibaanno, wasiirro, salaadiin, cuqaal, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan oo aaska ka qayb-galay, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannadii Firdowsa ka waraabiyo, ehelka iyo qaraabada uu ka baxayna samir iyo Iimaan ka siiyo.

Image may contain: 7 people, people standing and outdoor

Image may contain: one or more people and outdoor

Image may contain: 7 people, people smiling, sky and outdoor

Image may contain: 4 people, people smiling, outdoor

Image may contain: 3 people, people smiling, suit

Image may contain: 6 people, people smiling

Image may contain: 2 people, people smiling

Image may contain: 2 people, suit

Image may contain: 3 people, people smiling

Image may contain: 5 people, outdoor

GABILEYNEWSNETWORK(Gabile.ne

HARGEYSA OFFICE