Hargeysa (GNN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane
Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo sumaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-79/42018 ku asteeyey in Maalinta Dhirta 15ka bisha Afraad (April) ay ahaato maalinta Dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, sannad walba.
Waxaanay wareegtadu u dhignayd sidan:
Wareegto Madaxweyne
Maalinta Dhirta Somaliland
Markaan Arkay: Qodobka 90aad, 34aad, Faqradda 4aad iyo 18aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 7aad iyo 9aad ee Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur-joogta Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Dersay: Muhiimadda ay Dhirtu u leedahay ka hor-tagga Nabaad-guurka, Bad-qabka iyo Bilicda Deegaanka Dalka;
Markaan Arkay: In Dabar-goyn iyo xaalufin ba’an lagu hayo dhirta, isla markaana ay lagama-maarmaan tahay in muwaadin kastaa uu xil iska saaro daryeelka iyo beerista dhirta;
Waxaan Go’aamiyey;
In maalinta 15ka bisha Afraad (April) ay ahaato maalinta Dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, sannad walba.
In Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyigu ay hirgeliso xuska maalintan sannadlaha ah, iyada oo kaashanaysa Hay’adaha ku shaqada leh Arrimaha Deegaanka.
In Maamulka Gobollada iyo Degmooyinku ay Wasaaradda si buuxda ugala shaqeeyaan Dhir-beerista, Daryeelka Dhirta iyo Daaqa.
In muwaadin kasta oo Somaliland ahi xil-weyn iska saaro xannaanaynta iyo beerista dhirta.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland