Somaliland waxay noqotay: ” Waraabe UL-na lala Gaadhi Waa, Cayna wax laga guri Waa”. Somalia waxay awooddeedii ku soo ururtay in sida dacawgu uu libaaxa uga daba ciyo ay Somaliland uga daba ci’do. By: Ali Xaruuri

Waxaa beryahanba isa soo tarayey cadaawadda Dawladda Somalia, iyadoo
muddooyinkan dambe la timid dar-dar cusub iyo colaad dabarka goosatay
balse aanay meelna ku gaadhi karin . Dagaalka Somalia kula jirto Al-Shabaab
waxa ka xun kan ay kula jirto Somaliland. Dawladda
Tamarta daran ee Muqdisho waxay si weyn iskugu taxluujisaysaa xinka iyo
xasadka Somaliland, waxayna u guntatay oo geed dheer iyo mid gaabanba u
fuushay sidii ay u carqaladayn lahayd horumarka shacbiga Somaliland, halkii
ay ugu adeegi lahayd ummaddeeda tabaalaysan.
Dawladda aan iskeed isu maamuli karin ee Somalia, isku day kasta oo liddi ku
ah Somaliland waxay kala kulantay WAJI-GABAX. Runtii, Juhdiga badan ee
ay gelinayso colaadda Somaliland, haddii ay shacbigeed ugu shaqeyn lahayd
waxay gaadhsiin lahayd nabad iyo horumar ballaadhan.
Dacwadda Taliska Xamar ay geysay Qaramada Midoobay
waa Tallaabbo cadaawad annaga naloola dan leeyahay, waa gef
iyo gardarro aan geedna loogu soo gabban oo lagula kacay xuquuqa iyo
danaha Somaliland.
Dhanka kale, isku day’ga la wareegidda Hawada Somaliland waa
daandaansi, xadgudub iyo weerar halis ah oo lagu soo qaaday
Qaranimada Somaliland.
Siyaasiyiinta Somalia waxa keliya ee ay heshiis ku yihiin waa
cadaawadda iyo xinka Somaliland, tusaale ahaan Golayaasha
Baarlamanka Somalia marka la soo dhigo Ajande lagu colaadinayo
  • Somaliland ayuu Kooramku (Quorum) buuxsamaa oo mooshinkana si
    aqlabiyad ah (Unanimous) lagu ansixiyaa.
    Waxyaabahaas oo dhammi waxay muujinayaan in ay arrintu tahay
    aargoosi kadib markii ay ka quusteen midnimadii ay ku hadaaqi jireen.
    NEEF LA GAWRACAY GEEDO KAMA WAABTO.
    Arrintaa xattaa waxa dareemay oo ka damqaday dammiir
    laa’wayaashii reer Somaliland ee durbaanka beenta ah ee midnimada
    runta mooday ee Xamar hoganayey. Waxa kale oo maanta
    dhacdooyinka shaahid u ah dhallinyaradii (new generation) oo iyaga
    dhibaatooyinkii hore sheekada ku ahayd.
    Farmaajo waa nin aan qarsan karin naceybka Somaliland, waxana uu
    haatan colaadda geeyey meel halis ah. (Nin qoyani biyo iskama
    dhowro)
    Tuug waa is-qariyaa,.
    Halka uu ka xado tulud,.
    Tahan buu ka guuraa,.
    Toddobaadkan Xaajow,. Mid tiriig sitaa yimid,.
    Xukuumaddan haatan KAL XISHOOTA MA LEH EE KAL CABSATA AYEY
    LEEDAHAY. Waxanse u sheegaynaa in Somaliland aanay sinaba ugu
    duqaadan doonin gacmahana ka laaban doonin oo aanay ogolaan
    doonin in Qaranimadooda la dhaawaco.
    Waxaannu bulshada caalamka u caddeynaynaa in Somaliland,
    xukuumad iyo shacbiba meel uga soo wada jeedaan si buuxdana diyaar
    ugu yihiin khatar kasta oo ka iminaysa in ay difaacdaan xuquuqdooda
    iyo danahooda.
    Hashaan gaaddo weynow libaax uga gabboon waayey
    inaan gorayo-cawl uga tagaa waa hal soo gudhay.
    Wa bilaahi tawfiiq
    Qalinkii : Cali Xaruuri
    Holland