Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in aanay Somaliland marnaba yeelaynin in Hawadeeda laga xukumo Somalia,

 Hargeysa (GNET)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in aanay Somaliland marnaba yeelaynin in Hawadeeda laga xukumo Somaliya, waxaanu digniin u diray  cid kasta oo ku lug leh arintan, waxaanu tilmaamay in haddii la ixtiraami waayo heshiiskii ku saabsanaa maamulka hawada inaanay Somaliland qaadi doonin masuuliyadda diyaaradaha hawadeeda maraya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dacwada ka dhanka ah Saldhiga Milatari ee Somaliya u gudbisay Qaramada Midoobay, wada hadalada, iyo qodobo kale, waxaanu wareysigu u dhacay sidan

In Maamulka Hawada Somaliland gacanta loo galiyo Somaliya oo si rasmiya loogu wareejiyo sidee ayaad u aragtaa, maxa se idinka meel yaala go’aankaas oo idinka go’aan ah haddii ay Somaliya sidaas ku maamulan Hawada Somaliland, ee haddaba Xamar loo wareejiyey?

Somaliland iyada ayaa ka talisa barigeeda, baddeeda iyo hawadeeda,  hawadeedana cid aanay raali ka ahayni ma mari karto oo Hawadeena cidina ma qaadan karto, waxa laga hadlaaya waa lacag laga qaado Diyaaraha ina dulmara, taasna waxaanu ka leenahay ama waa in heshiiskeeni hore lagu noqdo ee ahaa maamul qaybsiga iyo maal qaybsiga, oo ah sidii aynu ku heshiinay, ama waanu u tashaynaynaa Hawadayada, ciddii heshiiska ka baxday, cidii gacanta ku haysay Maamulka Hawada  iyo cidii la wareegtay ayaa iska leh masuuliyada wixii dhaca.

Sidee ayaad u aragtaa dacwada ka dhanka ah Saldhiga Milatari ee Somaliya u gudbisay Qaramada Midoobay?

Dacwad khuseeysa may ahayn wax inaga dhexeeya inaga iyo dal kale, oo aynu ka heshiinay, Somaliland inay Somaliya soo farageliso may ahayn, ee Somaliya waa Wadan aynu jaar nahay, inaguna amuuraheeda ma faragelino, inagana arimaheena inay farageliyaan may ahayn, ee waa inaynu noqonaa laba wadan oo nabad ku wada nool, oo geeska wada jooga, eedaha iyo dacwadaha noocaas ah iyo eedaha ka soo baxaya kuwa cid anfacaya maaha, hadaladan iyo go’aamadan ka soo baxaya Dawladda Somaliya, iyo Barlamankeedu  kuwa cid anfacaya maaha,wixii wax u tar u ah inay ku mashquulan weeye, ee waxaan waxba u taraynin oo aan khuseeyn inay ku mashquulan maba aha.

Mar haddii ay Somaliland iyo Somaliya sii kala foganayaan, ee mawqifyo aad u kala durugsan leeyihiin, maxaa iska bedelay qorshihiini wada hadalada?

Inta uu jawigu sidan yahay, wada hadaladu wey taagan yihiin, wax lagu wada hadlaana maba jiraan, oo jawigani jawi saacidaya wada hadalada maaha, arinkuna wuxuu marayaa cuna qabatayn, wax aynu aqbali karno maaha in Somaliya tidhaahdo aan noolaado, Somaliland aan

Sidee ayaad u aragtaa Raysal-wasaaraha la doortay ee Itoobiya?

Qof kasta oo ay dadka Itoobiya gartaan inuu hogaamiyo u noqdo, oo uu hogaamiyo weynu soo dhaweynaynaa, waxaana rajaynaynaa in cilaaqaadkeenii wanaagsanaa uu halkii ka sii socdo, Itoobiyana waa Wadan aynu leenahay saaxibtinimo, Itoobiyana waa Wadankii ina badbaadiyey markii la ina qixiyey, imikana waxaynu leenahay cilaaqaad wanaagsan oo Siyaasi iyo Dhaqaaleba leh, markaas waxaanu ku rajo weyn nahay in xidhiidhkeena aynu sii xoojino, oo labadeena dal iyo Gobolba dan baa ugu jirta, inaga himiladeena iyo siyaasadeenu waa nabad ku wada noolasho, Wadamada aynu jaarka nahay.

Mar haddii hogaamiye cusub loo doortay Itoobiya ma laga yaaba in qorshihii saamiga ee Itoobiya ee Dekadda Berbera inay wax iska bedelaan?

Mashruucani sidiisaba maaha mashruuc laga dido, waa mashruuc dhaqaale, waa mashruuca isku xidhka dhinaca Dhaqaalaha ee Wadamada Geeska Afrika ayuu ka mid yahay, waa wax cid walba anfacaya, wax la diidaba maaha waa wax la soo dhaweeyo weeye.

Maxaad Shacabka Somaliland ugu baaqaysa?

Shacabka Somaliland waxaan mar walba ku dhiirigelinayaa inay midnimadooda wada ilaashadan, nabada wada ilaashadana, ALLENA waxaanu ka rajaynaynaa inuu abaarta inaga soo jabiyo, waa kaas Roobkii inoo curtay, ee ALLE ha inooga dhigo mid khayr qaba oo barwaaqo inoo keena.