Akhri:- Dagaal Markale Laga Cabsi Qabo In Uu Tuka-Raq Ka Qarxo Iyo Ciidan Beeleedyo La Soo Tubay Iyo Xiisada Taagan.

Sool(GNN):-Maamul goboleedka Putland ayaa Ciidan Beeleedyo ka kala duwan ka urursay deegaano kala duwan oo Putland iyo Somaliand waxaana ugu dambeeyay kuwii lagu wareejiyay Madaxwayne ku xigeenka Putland Cabdixakiin Xaaji Cumar Cabdilaahi “Camay” ee Cuqaasha Buuhoodle ku wareejiyeen iyaga iyo Tiknikadoodii.

Waxaa kale oo iyaguna jira sidda Hangoolnews ay u xaqiijiyeen saraakiil kala duwan oo aagaasi  ku sugani Ciidamo kale oo iyagana laga keenay meelo kala duwan oo ay ka mid tahay Somaliya,

Ciidankan ayaa loogu talo galay in ay mar kale galaan dagaal ka dhan ah Somaliland oo loogu magac daray Xoraynta Laasa-caanood,

Wararka imika aanu ka helayno aaga Tuka-raq ayaa Muujinaya in uu jiro dhaq dhaqaaq xoogan oo dhanka Putland ah halka Somaliland-na ku jirto Heegan culus oo ay si toosa ula socoto talaabooyinka ay qaadayaan dhankale.

Geesta kale waxaa dhamaan guuta kasta oo ka Tirsan Ciidanka Milatariga Somaliland la galiyay Heegan adag.

 

Lama saadalin karo waxaa uu xalku ku dambayn doono wallow ay masuuliyiinta ugu saraysa Putland ay ku baaqeen dagaalku in uu socnayo halka wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo BBc-da galabta la hadlayna uu sheegay in ay nabad ku baaqayaan

Exit mobile version