Halkan Ka Akhri Nuxurka Warsaxaafadeed Kasoo Baxay Wasiirka Beeraha Somaliland oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyey Waaxyaha Wasaaradaasi.

Hargeisa(GNN):-Nuqulo Kamida Iskubeddelkaasi Lagu Sameeyey Shaqaalah Wasaarada Beeraha Somaliland ayaa U Dhignaa Sidan.

Ujeedo: Magacaabid iyo Isku Bedel Agaasime Waxeedadda Wasaaradda

Markii aan arkay Mihiimadda ay Agaasime Waaxeedadu u leeyihiin
Shaqada Wasaaradda Horumarinta Beeraha
Markaan tixgaliyey Talooyin badan oo lagama maarmaan u ah shaqada iyo
Hawl socodsiinta Wasaaradda Horumarinta Beeraha.
Markaan ogaaday Aqoontooda, Kartidooda, iyo Waayo aragnimadooda

Sidaas awgeed waxaan u magacaabay in ay ahaadaan Agaasime Waaxeedadda Wasaaradda Horumarinta Beeraha Magacayadan hoos ku xusan:

Magaca Waaxda

1 Saam Axmed Jaamac ( Aar):
Qorsheynta, Mashaariicda, Tirokoobka iyo Xidhiidhka Hay’addaha

2 Xasan Cabdi Jaamac khayre :
Maamulka, Xisaabaadka iyo Taakulaynta (Gaadiidka iyo Cagafyadda)

3 Yaasmiin Xasan Siciid Dirir
Shaqadda iyo Shaqaalaha

4 Cabdirisaaq Cabdillaahi Ibraahim: Wax soo saarka iyo Sugida Cuntada

5 Cabdiqani Yuusuf Galaydh Dhulka, Biyaha iyo Saadaasha Hawadda

6 Maxamed Daahir Warsame Faarax:
Cilmi Baadhista iyo Fidinta

7 Maxamed Siciid Maxamed Maxamuud:
Badbaadadda Beeraha

Laga bilaabo Taariikhda Qoraalkani soo baxay waxaa la idinka filayaa in aad si xilkasnimo leh aad u gudan doontaan xilka iyo waajibkaasi la idin saaray ee la xidhiidha Wasaaradda Horumarinta Beeraha, kuna shaqayn doontaan Hufnaan iyo Daacadnimo.

Wabillaahi Tawfiiq.
Axmed Muumin Seed
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL.
34340889_1787862717947202_5349420765471047680_n

34387748_1787862311280576_7832142562432385024_n

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network