Shir Weynihii Beesha Garxajis”TOLWANAAJE 2″ Oo Si Rasmi Ah U Furmay + Jawigii Badasha Iyo Badi Siyaasiyiinta Beesha Oo Ka Qayb-galay+ Sawirro

Hargeisa(GNN):-Shir weynihii Beesha Garxajis, ayaa si rasmi ah shalay galab uga furmay  Buurta Gacan libaax, kaasi oo ay kasoo qayb-geleen ergooyin kal kala socda dhammaan-ba Ardaayada Beesha Garxajis, isagoo subaxan saaka ahna si habsami ah u socda .

Shirkan Beesha Garxajis ee Tol-wanaaje laba , ayaa waxa  si rasmi ah u furey furiteenkiisii Suldaanka Guud ee Beesha Garxajis Suldaan Maxamed Cabdiqaadir,waxaana lagu wadaa in lasoo gunaanado maalinta Khamiista ee fooda inagu soo haysa.

Salaadiinta, Boqorada ugaas-yada Cuqaasha, iyo badi madax-dhaqameedka Beesha Garxajis oo ka kala yimi Gobolada, Sanaag, Tog-dheer, Saaxil, Maroodijeex, Daad-madheedh iyo ergooyin ay soo xuleen ayaa iyana soo buuxiyey madasha shirka .

Dhanka kale waxa furitaankii shir weynaha Beesha Garxajis ka qayb-galay siyaasiyiinta beesha dhammaantood, waxaana kamid ahaa Prof Ismaaciil Buubaa, Siyaasi Axmed Mirre Maxamed, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, Xildhibaan Dheeg iyo weliba siyaasiyiin kale oo miisaan culus.

Docda Kale shir weynaha loogu magacaabay Tol-wanaaje Laba ee beel weynta Garxajis, ayaa ilaa hadda  si habsami ah uga socda Buurta Gacanlibaax.

Waxaana lafilayaa in ay soo baxaa qodobo badan saamay ku leh siyaasada , deegaanka

Exit mobile version