Wakiilka ugu sareeya Banggiga Aduunka dalalka Somaliland iyo Somalia oo maanta booqasho iyo bogaadin ku soo gaadhay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

Hargeisa(GNN):-Subaxnimadii saaka waxaa booqasho iyo bogaadin ku soo gaadhay hay’adda shaqaalaha dawladda wakiilka banggiga aduunka ee dalalka Somaliland iyo Somalia Mr Hugh Riddell oo ay wehelinayaan saraakiil sar sare oo ka socota banggiga aduunka iyo sida oo kale agaasimaha guud ee qorshaynta iyo horumarinta qaranka Md Cabdirashiid I. Cabdiraxmaan.

– Intii kulanku socday ayaan Waxaa uga xaal waramay xogta iyo xaalka dhinacyada is-kaashi ee banggiga aduunka iyo sida oo kale hay’adda shaqaalaha dawladda Masuuliyiinta Hay;ada Shaqaalada Dawlada oo uu ugu horeeyo gudoomiye sharmaake axmed geele, iyada oo ay ka wada hadalnayeen hannaanka haboon iyo hilinka loo marayo hiigsiga hay’adda shaqaalaha dawladda ee helitaanka shaqaale xulan, xirfad le oo xoolo iyo xasaanad ba ka dhisan.

– Mr Hugh Riddell ayaa dhinaciisa bogaadiyey hawshaa baaxada badan ee hay’adda shaqaalaha dawladdu qaranka u hayso iyo sida xirfada iyo xikmada leh ee ay u wada shaqeeyaan labada dhinac isaga oo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan iyo wada shaqayn tolmoon.