Deg Deg Daawo Xildhibaan Mahdi Oo Maayerka Gabiley Ku Eeedeeyay In Uu Ku Kacey Musuqmaasuqii Ugu Waynaa Abid Iyo Guryo Dawladu Leedahay Oo Xayiran

Mahdi Maxamed Xaashi  Waxa Uu Ka Mid Yahay  Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Mar Uu Maanta La Hadlay Warbaahinta Waxa Uu  Daaha Ka Qaadey In Magaalada Gabiley Uu Ragaadiyay Musuqmaasuq Baahsan Oo Xadhkaha Goostay,Waxa Uu  Hoosta Ka Xariiqay In Ay Jiraan Guro Dawladu Leedahay Oo U Xaniban Shirkadihii Dhisey Lacagta Dhismaha Oo Aan La Siin Awgeed, Xildhibaan Mahdi Waxa Farta Ku Fiiqey In Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley  In  Daymo Fara Badan Lagu Leeyahay Ha Yeeshee Magaalada Gabileyna Ay Tahay Meel Dhaqaale Farabadan Maalinkasta Usoo Xaroodo  Hadaba Su,aashu Waxay Tahay Halkay Ku Baxdaa Lacagtaasi, Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi Waxa Uu Madaxwaynaha Qaranka Iyo Wasaarada rimaha Gudaha Ku Adkaynayaa In Hoos Loo Soo Eego Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Si Loo Dabar Jaro Musuqmaasuqa Sababay Mushaar La,aanta Shaqaalaha Iyo In Lasyka Ilaawo Kobcinta Adeegyada Bulshada,

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Bulshada Magaalada Gabiley Iyo Nawaaxigeeda Cashuurta Way Bixiyaan Ha Yeeshee Ma Jiraan Wax Hormara Oo MAgaalada Gabiley Ka Jira Sida Caafimaadka Waxbaashada Adeega Biyaha  Iyo Adeegyada Nolasha AasAasiga Ah, Si Kastaba Ha AHaatee Waxa Isoso Taraya Bulshada Magaalada  Oo Saluug Ba,an Ka Muujnaya Maayerka Magaalada Gabiley Waxeyna Ku Taamayaan In La Helo Masuul Daacada Oo Ka Dhabeeya Waqabadka Umaddu Ubaahantahay Ma Jiraana Wax La Tabaan Karo Oo Dawlada Hoose Fulisay Oo Dadku Ay Mahadiyeen Aanka Ahayn Barnaamijyada Jblga,

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEYNEWSNETWORK(GNN)

GABILEY OFFICE