INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Maayerka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumer Cabdi Isago Ku Hadlaya Magacisa Iyo Afka Golaha Deegaanka Shacabka Gobolka Gabiley Iyo Kan Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Waxa Uu Tacsi Tiiraanyoleh Udiray,
Bahda Saxaafada Qoyskii Qaraabadii Ehelkii Asxaabtii Waxgardkii Iyo Dhamaan Shacabka Reer Somalialnd Ee Ku Baxey Marxuum Suxufi Yoonis Cali Nuur Oo Xaley Ku Geeriyooday Isbitaal Ku Yaala Magaalada London,
Maayerka Magaalada Gabiley Ayaa Marxuum Yoonis Cali Nuur Ku Sifeeyay Shakhsi Hawlkara Oo Ku Suntanaa Taariikhda Warbaahinta Isagoo Mudo 30 Sano Ahna Ka Soo Shaqeeyay Laanta Afka Soomaaliga Ee BBC,
Maayerku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Oo Uu Illaahay Ku Casuumo Janooyinkiisa Kitaabkiisana Midiga Uga Dhiibo saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa Alle ka siiyo.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN