Shir Lagu Dardargalinayo Hawlaha Shaqo Ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Oo Lagu Qabtay Xarunta Wasaaradaasi.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud, wasiir kuxigeenka Mudane Cabdulqaadir Maxamuud Sh Muxumed, Agaasimaha guud Mudane Maxamed Faarax Xareed iyo madax-qaybeedyada wasaaradda waxbarashadda ayaa ka soo qaybgalay kullan lagu gorfaynayey qorshe hawleedka wasaarada waxbarashadda ee sannad dugsiyeedkan bilaami doona bilahan fooda inagu soo haya.

Shirkan ayaa lagaga hadlay sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha la hirgalin doono hawlaha la qaban doono kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen sidii loo sii

 

 

 

 

 

 

 

 

anbaqaadi lahaa siyaasada waxbarashadda qaranka, kor u qaadka iyo toosinta tayada waxbarashadda dugsiyada dalka iyo sidii imtixaan looga qaadi lahaa macalimiinta dugsiyada hoose wax ka dhiga isla markaana loo tababari lahaa macalimiinta imtixaankaasi ku guulaysata.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashadda Mudane Cabdulqaadir Maxamuud

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sh Muxumed oo shirkaasi hadal kooban ka soo jeediyey ayaa sheegay in kullamada noocan oo kale ahi joogto noqon doonaan si loo sii dardargaliyo hawlaha wasaaradda u yaala, waxaanu ka soo qaybgalayaasha iyo masuuliyiinta wasaaradda ku booriyey in ay dhan uga soo wada jeestaan hawlaha lagu tayeynayo waxbarashadda dalka. Dhanka kale qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada ka soo qaybgalay shirkaasi ayaa halkaa ka soo jeediyey halka ay wax u marayaan iyo waxyaabaha ay damacsan yihiin in ay fuliyaan sannad dugsiyeedkan inagu soo fool leh.
Ugu danbayntii, wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ayaa shirkaasi soo gunaanaday waxaanu halkaasi ka

 

 

 

 

 

 

 

 

soo jeediyey ujeedada shirkan ay u qabteen, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; ujeedada shirkani waxa uu daaranaa sidii aan ugu diyaargaroobi lahayn sannad dugsiyeedkan inoo bilaabmaya iyo hawlihiisa, halkan waxa laga soo jeediyey aaraah iyo fikiro badan, waana la sii naaqishi doonaa sidii arrimahaa aad soo jeediseen u noqon lahaayeen kuwa midho dhal ah. Hadafka ka danbeeya shirkani waa sidii loo tayeyn lahaa hannaanka waxbarasho ee goobaha waxbarashadda ee dalka.
Dhanka kale waxa loo baahan yahay in la soo dabaalo dugsiyada gaarka ah oo intooda badani xadhkaha goosteen, kuwaasi oo wakhti xaadirkan ku

 

 

 

 

 

 

 

 

mashquulsan sidii ay u qaadan lahaayeen arday cusub iyada oo aan laba soo saarin natiijadii imtixaanaadka, taasina waxay nagu kelifaysaa in aan anaguna talaabo adag ka qaadno dugsiga qaata ardayda iyaga oo aan weli natiijadoodii lahayn. Kullamadani waxay noqon doonaan kuwa joogto ah ilaa aan ka hirgalinayno ahdaafta iyo hawlaha inoo yaala. Waxan soo saari doonaa shuruuc iyo qawaaniin aanu ku maamulo cida ka gudubta xadka iyo jidka siyaasada waxbarashaddu tilmaamayso.

 
Exit mobile version