Tirada Xeer Ilaaliyayaal Ku Xigeen Ka Hawl Galayey Gobolada Dalka Oo Ka Huleelay Shaqadii Ay Qaranka u Hayeen.

Halkan ka Akhri; Magacyada 7 Xeer Ilaaliye Kuxigeen Oo Wakhtiyo Kala Duwan Iska Casilay Xeer Ilaalinta Guud Ee Qaranka Somaliland;

Hargeisa(GNN):-Tan Iyo Dhamaadkii Mudo Xileedkii Xukuumadii Madaxwayne Siilaanyo Iyo Bilowga Xukuumada Madaxwayne Muuse  Biixi Ayaa waxaa maalinba maalinta ka Danbaysa Isa Soo Taraysa Xubnaha Iska Casilaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud Ee Qaranka Somaliland iyadoo Xubnahan Ka tagaya Shaqadii ay qaranka u hayeen Noqdeen Tusbax furtay,

Waxaana Xubnahaasi Iscasilaadoodu soo Bilaabantay mudo Haatan Laga Joogo Sanad Halka ay ugu danbeeyeen kuxigeeno Iscasilay Todobaad Ka Hor.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud  Ayaa Qaranka somaliland Uga Masuul ah Oogista  Danbiyada Ciqaabta ah Ee laga Galo Qaranka Iyo kuwo Laga Galo Muwaadiniinta Sida Ku Cad  Dastuurka Jamhuuiyada Somaliland Qodobkiisa; 99 Iyo 103Aad  Iyadoo Kamida Waaxda Garsoorka .

Sidoo kale Waa Haayada Ugu Saraysa Baadhista Waxayna  Ciidamada Booliska Ku maamushaa Baadhista Fal-Danbiyeedyada. Sida ku Cad Qodobka 12Aad ee xeerka Ciqaabta.

Hadaba Iyadoo xeer Ilaalinta Guud Ee Qaranka Somaliland ay hawlaha intaa leeg uga masuul tahay dalka ayaa Waxaa Marba Marka ka Danbaysa Isasoo Taraysa Xubnahan Iska casilayay Taasi oo Aan Si Dhab ah loo ogayn Waxyaabaha Keenay Iyo Xaalada Maamule Ee ka jirta Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud Ee Qaranka.

Iscasilaada Xubnahan Xeer Ilaaliye Kuxigeenka ah Ayaa kala ah;

1;Kuxigeenka Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka  Mudane Aadan Muuse (Aadan Xero Dhiig) oo Isagu Xilkan Iska Casilay Mudo Haatan Laga Jooga Sanad,

2; Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Ibraahim Cali (Sooraan) .

3;Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Gobolka Maroodi Jeex  Yuusuf Biixi Muxumed .

4; Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka Maroodi Jeex Yasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

5; Kuxigeenka xeer Ilaaliyaha Guud Ee Gobolka Maroodi Jeex Cabdinajiib Maxamuud Cali(Xaaji Karaan).

6; Cabdi Haybe Cali Kuxigeenka xeer Ilaaliyaha Guud Ee Gobolka Awdal.

7; Maxame Jaamac Ibraahim Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Gobolka Saaxil.

Macada Ujeedada Rasmiga Ee keentay Iscasilaada Xubnahan iyo In ay Gabi Ahaanba Iskaga Tagaan Shaqadii ay Qaranka u Hayeen,

Xeer iIaaliyaha Guud Ee qaranka Mudane Xasan Axmed Aadan,  Ayaa waxaa xilkan Xeer Ilaaliyaha Guud Umagacaabay Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Axmed siilaanyo Isagoo Mudadaana hayay xilkan Culus ee Qaranka, Halka Ayna Wali Xukuumada madaxwayne muuse biixi Wax Isbadala Ku Samayn Hay’adan.

Sikastaba ha Ahaatee Xukuumada Madaxwayne Muse Biixi Ayaa Waxaa Hortaala u Kuur Galka Waxyaabaha sobobay in ay Xubnahan intaa leegi ka Tagaan Shaqadii ay qaranka u hayeen Iyadoo xeer ilaalinta guud ee qaranku aynu og nahay kaalinta ay ugu jirto haayadaha dawlada iyo guud ahaan bahda garsoorka Somaliland.

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network

 

Exit mobile version