Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Soomaalida U Soo Bandhigay Qorshaha Uu Ugaga Tala Galay Ceelka Shiidaalka.

Addis Abbaba(GNN):-Kulankii ugu balaadhnaa ee uu Abiy Axmed la yeesho dadka Soomaalida ah ee u dhashay Itoobiya, tan iyo markii uu xukunka qabtay, dabayaaqadii bishii Maarso, ayaa Maanta oo Jimce ah ka dhacay Addis Ababa. Kulanka oo la qorshaynayey ilaa kun qof oo Soomaali ah inay yimaadaan, waxaa ka qayb galay dad lagu qiyaasay 700 oo qof.


Waxay Abiy Axmed ka dalbadeen “in 
nidaamka cusub aanu ku maamulin wax loo yeedhiyey ee ay xor u noqdaan masiirkooda”.Laakin waxaa goobta ka hadlay dhowr iyo soddon qof oo matalayey dadka kulanka ka qayb galay. Waxay aad uga hadleen “dhibaatooyin ka jira deegaanka Soomaalidu degto” kuwaasoo isugu jira “kuwo dhaqaale, xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo arrimo kale”.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa isna la hadlay dadkii uu la kulmay, isagoo ay dhinacyadiisa fadhiyeen madaxweynaha cusub ee DDSI, Mustafe Muxumad Cumar, (Mustafe Cagjar) iyo guddoomiyaha xisbiga dimoqaraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya, Axmed Shide. Muddo 15 daqiiqo ah oo uu Abiy Axmed hadlayey, ayaa 10 daqiiqo oo ka mid ah wuxuu aad ugu dheeraaday arrinta “ceelka shidaalka”.

Wuxuu marka hore soo qaaday arrin muran badan dhalisay oo la xidhiidha “5% qoondada ah”, taasoo uu sheegay in loo dhigay hadalkaas si kale, balse uu ula jeeday in taasi ay leeyihiin “dadka ka ag-dhow halka uu ceelku ku yaallo iyo dadka xoolo dhaqatada ah”.

Wuxuu kaloo ka hadlay arinta shidaalka isagoo yidhi “Dahabka Oromia laga soo saaro waxaa wada manaafacaadsanaya Itoobiya oo dhan, sidoo kalena Shidaalka dhulka Soomaalida laga soo saaro Itoobiya oo dhan ayaa wada manafacaadsanaysa”.

Kulanka ayaa lagu soo beegay iyadoo qayb weyn oo ka mid ah isbeddelka Itoobiya ka socda laga hirgaliyey dhulka Soomaalida, sida hogaanka xisbiga oo uu la wareegay Axmed Shide oo isla markaana ah wasiirka warfaafinta ee dawladda federaalka, iyo magacaabista Mustafe Cagjar oo aad ugu kacsanaa nidaamkii Cabdi Maxamuud Cumar.

Shalay ayey ahayd markii uu Mustafe Cagjar meel fagaare ah ka sheegay inuu soo celinayo calankii hore ee dawlad deegaanka iyo heesta astaanta calanka, kuwaasoo uu 8 sano ka hor beddelay Cabdi Maxamuud Cumar oo iminka xabsi guri ku jira.

 

Exit mobile version