50 qof oo ku dhintay duufaan ku dhufatay dalka Indonesia

Sabti, September, 29, 2018 (GNN) – Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay duufaan ka dhalatay dhulgariir cabbirkiisu gaarayay 7.5 oo ku dhuftay magaala xeebeedka Pelu ee dalka Indonesia.
Duufaanta Tsunami ee Pelu ku dhufatay oo horay digniin looga sii bixiyey, waxay ku dhacday saacada kaddib marki digniinta la shaaciyey.
Hirka badda oo ka dhashay dhulgariirka iyo duufaanta culus wada socday ayaa wuxuu ku socday joog dhan 2 miitir wuxuu ku dhuftay magaalada Palu oo ku taallo Jasiiradda Sulawesi.
“Duufaanta iyo Dhulgariirka mar ku wada dhuftay Pelu waxay shacabka magaaladu ku abuurtay degganaasho la’aan iyada oo dad tira badan oo waddooyinka yaacaya la arkayo”.ayuu yiri madaxa saadaasha hawada ee Indonesia,Dwikorita Karnawati.
Muuqaal lugu baahiyay baraha bulshada oo laga soo duubay masiibadaasi ayaa waxaa ka muuqata dadka goobta duufaanta ku dhufatay ku noolaa oo kala cararaya iyo biya xoog badan oo guriyaha soo galaya.
Dalka Indonesia ee koonfur-bari Aasiya ayaa wuxuu yahay dal u nugul duufaanta iyo dhulgariirka dhaca maaddaamaa dalka oo dhan uu jasiiraddo tira badan oo bad ku hareereysan uu ka kooban yahay.
GABILEY.NET