Hargeisa(GNN):-Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul “Laabsaalax” ayaa waxaa uu ka dayriyay xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin Dugsiyada ay dawladu Maamusho iyo waliba ardeyda danyarta ah ee Dhigata.
Abwaan Laabsaalax ayaa waxaa uu sheegay in dugsiyada Gaarka loo leeyahay ay baabiyeen kuwii dawlada oo macalimiintii ugu tayada Wacneyd ay ka kaxeysteen waxaana uu xukuumada iyo wasaarada Waxbarashada ugu baaqay in ay arintaasi si deg deg ah wax uga qabtaan.
Sidoo kale Abwaan Laabsaalax ayaa waxaa uu wasarada waxbarashada ugu baaqay in deeqda waxbarasho ee ay Itoobiya ka heshay ay siiso oo kaliya Ardeydii danyarta aheyd ee ka baxdey Dusgiyada Dawlada.