Dadka Somaalida Ah ee Ku Nool Dalka Norway Oo Kaalinta Koowaad U Galay Dadka Ugu Farxada Badan Ajaanibta.

Warbixin ay soo saartay hay`adda dalka Norway u qaabilsan dhanka cilmibaadhista ee loo yaqaan “Statistisk sentralbyrå (SSB)” ayaa waxaa lagu sheegay in dadka soomaalida ee ku dhaqan dalka Norway ay yihiin kuwa ugu farxadda iyo qanaacsanaanta badan dhanka nolosha marka loo eego ajaanibta ku nool dalkaasi.

Hay`adda SSB ayaa baadhis ku aadan dhanka nolosha ku sameysay ajaanib ilaa 12 dal oo kala duwan kasoo kala jeeda kuwaas oo ku nool dalka Norway, waxaana jawaabtii ay ka heleen cilmibaaristaasi ay ku noqotay mid ay la yaabeen.

Soomaalida oo shaqo iyo hanti ahaanba ay kaga horreeyaan ajaanib badan oo dalka Norway ku nool ayaa lala fajacay sida ay kaalinta koowaad ee dhanka ku qanacsanaanta nolosha ku galeen iyaga oo intooda badan noloshooda ciriiri tahay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka waxbarashadoodu hooseyso ay ka farxad badan yihiin dadka wax bartay amaba cilmiga maadiga meel sare ka gaaray, sidaas daraadeedna waxbarashada sare aysan keenin qanaaco ama farxad nololeed.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka ajaanibta ah qeybtooda dalka lagu keenay ama kusoo galay qaab shaqo ay ka farxad yaryihiin kuwa qoxootinimada lagu qaabilay.

Dalalka cilmibaarista ka qeyb qaatay iyo qaabka ay u kala heleen natiijooyinka ka akhriso hoosta:

  • Somalia: 8,8
  • Sri Lanka: 8,5
  • Bosnia-Hercegovina: 8,3
  • Pakistan: 8,1
  • Kosovo: 8,2
  • Eritrea: 8,1
  • Afghanistan: 8,1
  • Turkey: 7,9
  • Irak: 7,7
  • Polen: 7,6
  • Iran: 7,5
  • Vietnam: 7,0

Ajaanibta aan ku qanacsaneyn amaba ku faraxsaneyn noloshooda ayaa kasoo kala jeeda dalalka Iran, Irak, Turkey iyo Polen.