Haweenay Udhalatay Dalka Jabuuti Oo Mudo 9bilood ah Sifo Bilaa Xukuna Ugu Xidhan Magaalada Hargaysa Iyo Qoyskeeda Oo fariin Cabasho ah Udiray Madaxwaynaha Somaliland.

Faadumo sahra Cumar Nuur Waa Muwaadinad Udhalatay dalka Jabuuti waxaanay Sifo sharci Daro ah oo bilaa xukun ah mudo Sagaal bilood ah ugu xidhan tahay saldhiga dhexe ee Magaalada Hargaysa iyadoon Wax Maxkamada ah la Gayn islamarkaana aanu ku dhicin xukun ay ku mutaysatay xadhigan.

Xadhiga faadumo/Sahra Cumar Nuur oo ah Hooyo ayaa waxaa xadhigeeda  iyo xaalada caafimaad ee ay ku sugan tahay  ka hadlay qoyskeeda  iyagoo  baaqa cabasho ah udiray xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi  iyo haayadaha sharci dajinta Somaliland.

“Waxaana Arintan Siqiiro leh uga hadlay Naasir Cabdilahi Nuur Oo ku hadlaya Afka Qoyska Reer Nuur. Wuxuna udhignaa Sidan;

“Waxaan Halkan kaga hadlayaa xadhiga sharci darada Ah iyo Tacadiga   lagula kacay walaashayo  faaduma/sahra Cumar Nuur oo mudo Sagaal bilood ah ku xidhan saldhiga dhexe ee Magaalada Hargaysa iyadoon helin wax cadaalada xaaladeeda caafimaadna ay liidato.

Xadhiga faadumo ayaa ah mid Aan loo marin sifo sharci islamarkaana aan lakeenin wax maxkamada .

“Waxaan umada reer Somaliland laamaha garsoorka iyo Madaxwaynaha Somaliland ka codsanayaa in wax  laga qabto xadhiga sharci baalmarsa ee lagu haysto walaashayo ma Garayno danbi ay qaranka ka gashay oo loo hayso cida loo xidhayna waa Dad xoog ku haysta hantidayadii aanu ka dhaxalnay Aabahayo, waxaana lanoogu daray in qofka qoyska yaga ah ee ka hadla la xidho oo lagu qasbo in Uu faraha ka qaadno hantidayadii.iyadoo waliba laguno hayo hanjabaad iyo cago juglayn Xad dhaafa. Ayuu yidhi naasir cabdilaahi Nuur/.

Faadumo waa qof wayn oo leh xanuuno badan leh, sida macaan wayna ku dhex dhibaataysan tahay saldhiga oo xataa waxa loo diiday in la geeyo dhakhtar  xaaladeeda caafimaaadna way liidataa

Qoyskan ayaa fariin cabasho ah udiray Madaxwaynaha Jsl “Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Waxaan ka cod sanaynaa in arintaa uu si deg deg ah wax uga qabto sidoo kale waxaan haayadaha sharci dajinta ka dalbanaynaa in ay hoos u eegaan falalkan bili,aadnimada ka baxsan in Ee lanagu hayo, ayuu yidhi Naasir Cabdilaahi Nuur.

Qoyskan oo ah qoys reer jabuuti ah islamarkaa  mudo badan calaadandaro ka tirsanayay  Haayadaha garsoorka Somaliland oo sida ay hore qoraal kusoo bandhigeen xoog lagaga hayso guryo ay ku leeyihiin badhtamaha suuqa hargaysa.

Dhanka safaarada dalka jabuuti ku leeyahya Somaliland ayaan wax talaabo ah ka qaadin xadhiga muwaadinad u dhalatay Dalka jabuuti ee  mudada  Sagaalka  bilood ah sifaha bilaa xukunka ugu xidhan saldhiga dhexe ee magaalada hargaysa oo hada laga dayrinayo xaaladeeda caafimaad.

Arintan ayaa mid ka hor imanaysa xeerarka somaliland oo dhigaya in qofka mudo 24saac ka badan aanu iska xidhnaan iyadoon la hor gayn wax maxkamad ah taasi oo xiligan dhaawac ku ah guud ahaan somaliland iyo haayadaheeda garsoorka waxaana laga war sugi doonaa talaabada ay ka qaado Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Muuse Biixi,

Exit mobile version