Madaxweynaha Somaliland Oo Shahaado-Sharaf Guddoonsiiyey Saraakiil Ciidamada Qaranka Ka Tirsan +[ Sawiro ]

Hargeysa(GNN) :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shahaado-sharafyo ku maamuusay lix sarkaal oo kasoo qalin-jabiyey jaamacado dibadda ah, kuwaas oo qaarkood kaalmo sare ka galeen jaamacadihii ay wax kasoo barteen.

Madaxweynaha oo uu wehelinayo madaxweyne-ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), taliyaha ciidamada qaranka sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyey lix sarkaal oo dhawaan waxbarashada heerka sare ee jaamacadda kasoo bartay dalalka dibadda, islamarkaana ay tiro kamid ahi billado dahab ah ku mutuysteen kaalmo sare oo ay galeen.

Ugu horrayn taliyaha ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ugu horrayn madasha lagu maamuusayey saraakiishan ciidanka qaranka katirsan hadal kooban ka jeediyey, ayaa ka warbixiyey muhiimadda ay saraakiishani ciidanka qaranka u leeyihiin iyo sida ay ugu faraxsan yihiin kulanka uu madaxweynuhu ku maamuusay

Exit mobile version