Madaxweynaha Turkiga Oo Booqasho Ku Tagay Jarmalka Oo Aan Xidhiidhkoodu Wanaagsanayn

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku sugan dalka Jarmalka isaga oo booqasho qaran oo saddex maalmood ah halkaas ku qaadan doona.

Inta uu booqashadaas ku jirana dhawr kulan ayuu la qaadan doonaa hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel.

Masuuliyiintan waxay doonayaan in ay hagaajiyaan calaaqaadka aadka u xumaaday ee labada dal.

Angela Merkel ayaa Khamiistii sheegtay in ay doonayso in ay Turkiga kala shaqayso dhanka dhaqaalaha, sidoo kalana ay kala hadli doonto xaaladda banii’aadminimo ee dalkaas.

Amaanka magaalada Baarliin (Berlin) ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in ay isu soo baxyo ku qabtaan dad taageersan Erdogan iyo kuwo ka soo horjeeda.

 

 

Source:-BBCsomali