Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo BBC-da u sheegay in la gaaray xilligii uu madaxweyne Farmaajo tagi lahaa Hargaysa

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay dardar galiso sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalladii dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland oo hakad galay.

Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa BBC-da u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu diyaar u yahay in uu ka dego magaalada Hargaysa isaga oo sida calanka Soomaaliya, balse Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqdey madaxbanaanida ee Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in aan wali halkaas la isla gaadhin.

Wadahadallada u dhexeeya labada dhinac ayaa bilowday sanadkii 2012-kii, wadahalladaas oo sanadkii 2014-kii hakad galay ayadoo intaas wixii ka dambeeyey ay jireen hadallo xanaf leh oo ay warbaahinta isu mariyeen masuuliyiinta labada dhinac.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu xilka qabtay ballan qaaday in uu dardar galin doono wadahadalka labada dhinac asagoo sheegay in xukuumaddiisu ay dhagaysan doonto wixii tabasho ah oo jira sida uu BBC-da u sheegay, Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed GuuleedLahaanshaha sawirkaVILLA SOOMAALIYA
Image captionRaisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed

Mahdi Maxamed Guuleed wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda Soomaaliya ay arrinta wadahadalka u samaysay qorshe iyo jadwal la doonayo in xal lagu gaadho, balse arrintaas ay hakad galiyeen doorashooyinkii ka dhacay Somaliland asagoo sheegay in masuuliyiinta Somaliland ay isku afgarteen in arrinta wadahadalka dib loo bilaabo wixii ka dambeeya doorashooyinka madaxtinimo oo la sugo hadba madaxweynihii la doorto.

Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda labada dhinac ay qorshaynayeen in ay kulmaan bishii Maarso ee sanadkan, hase ahaatee kulankaas uu qabsoomi waayey sababo la xidhiidha arrimo farsamo iyo xiisad ka dhalatay dagaalkii Tukaraq oo uu sheegay in dawladda federaalka ahi ay xoogga saartay sidii loo xallin lahaa colaadaas walina ay ku tala jiraan dardargalinta oo ay dhankooda diyaar yihiin.

Mahdi Maxamed Guuleed, Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ayaa sidoo kale tibaaxay in la gaadhay xilligii madaxweyne Farmaajo uu ka dagi lahaa Hargaysa oo wadahadalku uu dib uga bilaaban lahaa dhul Soomaaliyeed asagoo intaas ku daray in midowgii labada gobol ee 1960-kii aanay jirin cid dhex dhexaadinaysay balse ay ku timid boholyoow iyo hilow Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire
Image captionWasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa sheegay in wadahadalka labada dhinac oo bilowday sanadkii 2012-kii uu iminka hakad ku jiro, hakad kaansna ay keentay cabashadii dawladda Federaalka ahi ay ka muujisay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Somaliland, Itoobiya iyo Sharikadda DP World ee ku aaddanaa dekedda Berbera, balse wuxuu sheegay in taas macneheedu aanay ahayn in aanay diyaar u ahayn in wadahadalka dib loo bilaabo.

Su’aal ay BBC-du waydiisay Wasiir, Sacad Cali Shire oo ahayd waxa hortaagan in wadahadalku uu ka dhaco Hagaysa ama Mudisho, ayuu kaga jawaabay in arrintaasi ay ka horrayso in la is ictiraafo oo Somaliland la aqoonsado balse inta ka horraysana ay noqonayso in meelo kale oo markhaatiyaal leh lagu wadahadlo.

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2012-kii ku shiray dalalka dibadda ilaa sideed jeer oo kala duwan balse aanay kasoo bixin heshiisyo meel mar ah.

XIGASHO BBC SOMALI