Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Biyaha Ayaa Naqdiyey Buugii Uu Qoray Xirsi Ee La Magac Baxay Miyiga Ilaa Madaxtooyada

“Hog Seegga iyo Naqdinta XIRSI ee Miyiga Ilaa Madaxtooyada: Qalinkii Jamal A. Muse”

In Buug La Qoraa Ma’aha Arrin Sahlan, Waayo Waxa Muhiim Ah In La Raaco Aqoonta Qoraalka Iyo Nidaamka Xaq Dhawrka Dhaqanka, Diinta, Mudnaanta, Sirta Iyo Laf-Dhabarta Ummadnimo.

Run Ahaantii, Dhaqanka Bulshada, Nidaamka Dhisamaha Ummadnimo Iyo Ta Qofnimada Hagaagsan Middina Jideyn Mayso In Sirta Iyo Dhawrsanaanta Shaqsiga Laga Qoro Buug.

Xaqiiqdii, Marka Sidaartu Saxan Tahay Marna Macquul Ma’aha In Mas’uul Qaranka Xil Wayn U Soo Qabtay Marka Uu Xilka Ka Tago Wax Ka Qoro Arrimo Taabanaya Shaqsiyadda Madaxdii Xilka U Dhiibtay Sida Xaaladdo Caafimaad, Dhacdooyin Sir Ah Iyo Sheeko U Muuqan Kara Cir Calaamadeyn.

Buugga Miyiga Ilaa Madaxtooyo, Waxa Ila Qumanaan Lahayd Inuu Gudbiyo Taxannaha Silsilada Nolosha Hoggaamiye Xirsi Oo Ka Kooban Nolol Rayid Iyo Dawladnimo Ah. Waxa Habboonaan Lahayd Inuu Ka Xaragoodo Ku Tiiqtiiqsiga Erayada Daah-Qaadka U Ah Xanuunka Madaxwaynihii Hore Iyo Marwadii Qaranka.

Ugu Danbeyntii, Siyaasiyiinta Raba In Ay Daah-Furaan Hibada Qoraalka Iyo Qalinku Waa In Ay Tusaale Ka Dhigtaan Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Oo Damiirka Cilmiga Caafimaadka Iyo Tiisa Qofnimo U Diiday Inuu Wax Ka Sheego Hoggaamiye Dadkiisu Xasuuq Iyo Gaf Badan Ka Tirsanayay. Isaga Oo Mar Wax Laga Waydiiyey Xaaladdii Caafimaad Ee Madaxwayne M.S. Barre Ku Koobay Hadalkiisa Sirta Bukaanka Iyo Ta Qoyska Midna Lama Shaaciyo. Sidoo Kale Wariyihii Gaarka Ahaa Ee M.S. Barre Allaah Haw Naxariistee Axmed Xasan Cawke Ayaa Isna Diiday Wax Ka Sheegga Hoggaamiyihii Uu La Soo Shaqeeyay Iyo Marwooyinkiisii. Waa Labo Tusaale Oo Nool Oo Si Togan Ugu Muuqan Kara Indhaha Jecel Xaq Dhawrka Sirta Iyo Dhawsanaanta Cirdiga Qofnimo.

La Soco Qoraallo Kale Oo Aan Diiradda Fogaan Aragga Ku Saari Doono Daarannaanta Guud, Ujeedka Qoraha, Xagashada Xilka, Xagal Daaca Siyaasadda Xirsi Iyo Ka Jawaabidda Waydiimaha Ka Dhalan Kara Si Sheegta Taban Ee Buugga.

Iga Afmeeran.

Jamal A. Muse