Ambalaas Waan Keenayaa Ee Waxaan Idin Leeyahay Marka Hore Cashuurta Bixiyan…”Wasiirka Caafimaadka Oo Reer Sayla La Hadlay

Hargeysa(GNN):-Wasiirro iyo Agaasimayaal ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa Socdaal ku tagay Deegaanno ka mid ah Gobolka Hawd, si ay u soo hubiyaan baahiyaha aasaasiga ah ee halkaasi ka jira.

Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka, Qorshaynta, Diinta iyo Awqaafta, Agaasimaha Wasaaradda Horumarinta Biyaha iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ah Xukuumadda Somaliland, ayaa degmooyin badan ka dhagax-dhigay Saldhigyo Booliis iyo Xarumo Caafimaad, iyagoo sidoo kalena dhegaystay hadallo ay Madax-dhaqameedka iyo Odayaasha deegaannada ay mareen ku soo bandhigeen Baahiyaha haysta ee ay u baahan yihiin in Dawladdu wax kala qabato.

Masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee kormeerka ku tagay deegaannada Gobolka Hawd isla-markaana khudbadaha u jeediyey Dadweynaha deegaannadaasi waxa ka,
mid ah Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, kaasi oo ballan-qaadyo badan oo khuseeya Wasaaraddiisa u sameeyay Dadka ku nool Degmooyinka uu Weftigu maray.

Wasiir Xasan Ismaaciil Yuusuf oo khudbad u jeediyey Dadweynaha Weftiga ku soo dhaweeyay Degmada Sayla, ayaa ballan-qaaday inuu degmadaa geyn doono Gaadhi Ambilaas ah, maaddaama oo Degmadu leedahay Xarun Caafimaad, balse aanay lahayn Ambilaas, hase-ahaatee wuxuu Wasiirku sheegay haddii Dadku Cashuurta bixin lahaayeen aanay jirteen baahi Ambilaas, “Anigu waxaan ahay Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Caafimaadka reer uma ihi, Gobolna uma ihi, degmo uma ihi, Tuulo uma ihi, ee Wasiirka Caafimaadka dalka oo dhan baan ahay, sidaanu kuwa ugu shaqaynayno ayaanu tiinana ugu shaqaynaynaa.” Ayuu yidhi, Wasiirka Caafimaadka oo hadal u jeediyey Dadweynaha ku dhaqan Degmada Sayla ee Gobolka Hawd, waxaanu intaa ku daray in Xarunta Caafimaadka ee Sayla ay shaqaynayso “Isku-duwuhu wuxuu ii sheegay in MCH-ku si wanaagsan u shaqaynayo, laakiin Ambilaas la’aani jirto, markaa Ambilaas waan keenayaa, idinkana waxaan idiinku boorinayaa inaad marka hore cashuurta bixisaan, haddaynu Cashuurta bixinayno Ambilaaska waynu iibsan kari lahayn, Qof walba cashuurta yar ee ku waajibtay yaanu sugin in loo yimaaddo ee hala tago oo Cashuurta ha iska soo bixiyo.”

Wasiirka Caafimaadku wuxuu Dadweynaha Sayla u sheegay inaan Dawladda uun wax laga sugin “Dawladda uun wax lagama sugo ee aynu isku tashano, hadday Beero noqoto, hadday xoolo noqoto, hadday noqoto Macdan, yaa war u haya inay Macdan ku jirto Sayla, way buuxdaa, laakiin waynu ku dul fadhinaa, markaa waxa loo baahan yahay inaynu shaqayno oo aynu Dawladda taageerno, Annaguna waxaanu ballan-qaadaynaynaa in wixii baahida Sayla ah ee Dawladda ku xidhan in aanaan waxba ka hagran.”

GABILEY.NET