Daawo Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Dhulka Somaliland Oo 4000 Oo Xabo Jaajura Ugu Deeqay Dhismaha Xayndaabka Loo Sameynayo Dugsiga New Gabiley

Gabiley(GNN)Wasiirka wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Iyo Eng  Guud Ee  Wasaaradaas Ayaa Kormeer Kuso Marey Dhismaha Xaydaabka Ama Deyrka Loo Yagleelayo Dugsiga  Hoose Ee New Gabiley Ee Koonfurta Magaalada Gabiley, Socdaalka Wasiirka Ayaa Iminaya Xili Shacabka Reer Gabiley Ay Muujiyeen Qorshe Ay Dalka Ugu Danbaysay Dawladii Gumeysiga Ahayd  Ee Siyaad Bare Kaasi Oo Ah Barnaamijka Iska Wax Uqabso, Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Marku Arkay Xeeladaha Bulshadu Ku Dhisaso Deyrka Dugsiga New Gabiley  Ee Iska Wax uqabso Wuxu Garawsadey In Wasaradiisu Iyadoo Dhiirigaliansa Hormarinta Adeegyada Bulshada Wuxu Ugu Deeqay 16 Milyan Oo Dhiganta 4OOO Oo Xabo Oo Jaajuura,

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Wasiirka Ayaa Bulshada Somaliland Ugu Baaqey In Ay Ku Daydaan Shacabka Magaalada Gabiley Oo Ay Bilaabaan In Ay Si Iskooda Ay Wax uqabsadaan ,Geesta Kalene Wuxu Bulshada Magaalada Gabiley Ku Amaanay Sida Quruxda Badan Ee Ay  Barnaamijka Qiimahleh Ee Ay Usoo Agaasimeen Ee Ay Sida Iskood Ah udhisaan Adeegyada Bulshada Iyago Isku Duubni Iyo Wada Jir Muujianaya,Maamulka Gobolka Iyo Kan Degmada  Ayaa Iyana Dhankodoa Tilmaamay Muhiimada Ay Leedahay In Lagawada Shaqeeyo Hormarinta Bulshada,

Si Kastaba Ha Ahaatee Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Ayaa Noqonasa Wasaaradii Labaad Ee Dhaqaale Ugu Yaboohda Dhismaha Deyrkan Iyado Wasaarada maaliyadu Ay Iyana Dhaqaale  8 Milayan Oo Shilinka Somaliland Ah  Ugu Deeqday Dhismaha Deyrkan,Wsaaradaha kala Dalka  Maka Qaybqaadan Doonaan Dhismaha Deyrkan,

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET