Daawo Xubnaha Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta madaxweynaha waddanka u doortay Sahle-Work Zewde, ayadoo noqonaysa haweeneydii ugu horraysay ee dalkaas madaxweyne ka noqota.

Hargeisa(GNN) Daawo Xubnaha Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta madaxweynaha waddanka u doortay Sahle-Work Zewde, ayadoo noqonaysa haweeneydii ugu horraysay ee dalkaas madaxweyne ka noqota.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRO

Ms Sahle-Work ayaa xilkeedu wuxuu yahay mid aan wax fulin ah lahayn, hase yeeshee Afrika oo dhan ayey u noqotay gabadhii ugu horraysay ee madaxweyne noqota.

Markii xilka loo dhaariyey ayey ballan qaadday in ay aad uga shaqaynayso sinaanshaha ragga iyo dumarka dalka Itoobiya.

Ayadoo Baarlamaanka la hadlaysay ayey sidoo kale ku yaboohday inay dhiirri galinayso nabadda “waxaan idinka codsanayaa dhamaantiin in aad nabadda sarraysiisaan, magaca hooyooyinka, oo ah kuwa ugu horreeya ee ku dhibtooda nabad la’aanta”.

Ms Sahle-work baarlamaanka ayaa u codeeyey ka dib markii uu is casilay madaxweynihii Itoobiya, Mulatu Teshome.

Madaxa xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Fitsum Arega, ayaa bartiisa Twitter ku soo qoray in talaabadaas ay tahay mid dumarka looga qayb galinayo “go’aan gaaridda”.