DEG DEG DAAWO: Shil Naxdin leh oo Goordhaw Ka Dhacay Galmudug iyo Khasaaro lasoo sheegayo..

Garoowe (GNN) Gaari Xamuul ah oo sidday Qare kana baxay Koonfurta Soomaaliya ayaa ku guddoomay inta u dhaxeysa sadex higlo iyo bandiirleey gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyay waxaa shilkaasi ku dhaawacay ilaa iyo 2 ruux sidda ay sheegeen dadka degaanka uu shilku ka dhacay.

Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ayaa la gaarsiiyay dhaawaca labadda ruux, waxaana hadda halkaasi lagu dabiibaya Xaaladooda Caafimaad.

Maamulka gobolka Mudug ayaa shalay xaqiijiyay in 6 qof ay ku dhimatay ka dib markii uu shil gaari uu ka dhacay Wadada u dhaxeysa degaanka Gawaan iyo sidoo kale degmada Hobyo ee gobolka Mudug.