Deg-Deg-Qoyska Leh Dhulka Madaxtooyada Cusub Laga Dhisayo Oo Fariin Dareen leh la Wadaagay Bulshada Soona Bandhigay Sharciyada Ay U Haystaan.

Hargeisa(GNN):-Qoyska leh Dhulka Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Ka dhisayso madaxtooyada cusub ee ku yaala galbeedka hargaysa Oo mudooyinkii udanbeeyay warbaahinta marinayay cabasho ay qabaan ciidamado xoog ku dhisanaya dhulkan ay degen yihiin ayaa fariin culus u diray xukuumada Somaliland, Golayaasha kala duwan ee Qaranka, xisbiyada mucaaridka iyo guud bulshada reer somaliland iyagoo ugu baaqay in laga soo gaadho cadaalad darada lagu hayo. Oday Maxamed Xasan Dalab oo ah Aabaha qoyskan leh dhulkan laga dhisayo madaxtooyada cusub isla markaana xiligan ay ciidamo xoog ku dhisayaan ayaa Soo bandhigay xukumadii kala duwanaa ee maxkamadada Somaliland ugu xukumeen ilaa ay gaadhay heer fulin loo sameeyo isagoo fariin qiiro leh udiray shacabka Somaliland sheegay in mudo 20sano ah lagu haystay dhulkan markii ay maxkamaduhu usoo wada xukumeen, fulina loo sameeyay ay xukuumada muuse biixi ciidan dhul dhigay, Dhanka kale Maxamed Xasan dalab ayaa shaaciyay in uu dhulkiisa dhacsandoono Ama ku Dhimanayo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN:

Halkan Hoose Ka Akhri Xukunada Dacwadihii Maxkmadaha Dalka Somaliland U wada Xukumeen In Loo Fuliyo.