Hanti dhawrka guud ee Qaranka ayaa ku hawlan baadhitaano la xidhiidha Musumaasuq lagu soo eedeeyay Dawladda Hoose ee Magaaladda Gabiley.

Gabiley(GNN):-Hawl gal balaadhan oo lagu qaaday Magaalada Gabiley iyo Deegaanadda hoos Yimaada ee ay xukunto Dawladda Hoose ee Magaaladaasi ayaa sababay in ay baxsadaan qaar ka mid ah shaqaalaha Dawladda Hoose.

Wakiilkii Kalabaydh u joogay Dawladda Hoose ee Magaaladda Gabiley ayaa sida Sarkaal sare oo ku sugan Magaaladda Gabiley uu u xaqiijiyay Warbaahinta ka baxsaday Deegaankaasi, markii ay galeen Waaxda Hanti Dhawrka Guud oo ay ujeedadoodu tahay sidii ay baadhitaan ugu samayn lahaayeen Dawladda Hoose ee Magaaladda Gabiley.

HantiDhawrka guud ee Qaranka ayaa bishii ugu danbaysay Hawlo Baadhintaan u joogay Magaaladda Boorama, waxaanay aakhirkii ku guulaysteen in meesha laga saaro Duqii Magaaladaasi, ka dib markii lagu helay Musuqmaasuq.

Waxa kale oo ay xilligaasi xabsi dhigeen sarkaal sare oo isna ka tirsan Dawladda Hoose, hasayeeshee dadka dhaliila Duqa Magaaladda Gabiley ayaa ku eedeeya in uu yahay Xubin ku hawlan sidii uu wax isdaba marin uga fulin lahaa Magaaladda.

Hawl galkan cusub ee ay Hanti dhawrku ku tageen Magaaladda Gabiley ayaa waxa si weyn loo wada sugayaa Natiijadiisu halka ay ku biyo shubato, waxaana ay hadda isku balaadhiyeen deegaanadda hoos Yimaadda Dawladda Hoose ee Magaaladda Gabiley iyaga oo u dhabo galaya dakhliga soo galay, Wixii baxay, hantida la leexsaday iyo wixii mugdi ku jira ee u baahan in loo iftiimiyo bulshadda somaliland iyo dadka deegaankaasi.

Talaabooyinkan Baadhitaan ee Uu Wakhtigan Bilaabay hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland Ayaa La Xidhiidha Sidii Loo Cidhib tirilahaa Falalka Musuqmaasuq oo Inta Badan Ka Dhaca Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.

La Soco Wixii Warar Ah ee Kasoo Kordha Baadhitaanada Lagu Waddo Dawlada Hoose Gabiley iyo Natiijada Kasoo Baxda.