Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Qalabkii ugu badnaa gudoonsiisay Machadka Shaqaalaha Dawladda si kor loogu qaado Xirfada Shaqaalaha Dawaldda.

Hargeisa(GNN):-Kadib markii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu soo dhamaysay xog iyo xaqiiqo raadinta Shaqaalaha Dawladda ayaa waxaa dhawaan si toos ah u bilaabmaya tayeynta Shaqaalaha Dawladda.

-Haddaba, Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu kadib markii ay tix-raaceen xogtii shaqaalaha Dawladda waxaa si weyn u muuqanaysay baahida loo qabo in kor loo qaado xirfada iyo aqoonta Shaqaalaha Dawladda si ay u bixiyaan adeeg hufan oo shacabka raali geliya

-Si taas loo gaadho, waxa aanu maanta Machadka Shaqaalaha Dawladda ku wareejinay agabka waxbarashada oo dhamaystiran kaasi oo isugu jira in ka badan 700 oo kursi, sabuurado, kabadho iyo guud ahaan-ba baahida machadka ee dhanka agabka kuwaas oo wax badan ka tari doona kor u qaadida xirfada iyo aqoonta Shaqaalaha Dawladda

-Machadka Shaqaalaha Dawladda oo aan mudo 10-sanno ah helin wax qalabayn ah ayuu qalabkani u horseedi doonaa in uu bixiyo adeeg iyo qaad intii hore ka badan.

-Tallaabadan ayaa qayb weyn ka ah hawl-qabadka qaran ee dib-u-habaynta Shaqaalaah Dawladda halkaas oo aanu dhawaan rajaynayno in Machadka Shaqaalaha Dawladda laga hirgeliyo gobolada kale ee dalka.