Maareeyaha Wakaalada Biyaha Oo Qaabiley Wafti Ay Hogaaminayso Wasiir Ka Tirsan Dawladda Ingiriiska + Sawiro

Hargeisa(GNN):-Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Magaaladda Hargeysa Maxamed Cali Daarood ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ay hogaaminayso Wasiirul Dawlaha Dawladda Ingiriiska u qaabilsan Horumarinta Caalamigaah ee Qaarada Afrika Harriet Baldwin.

Kulankan ayaa intii uu socday aan loo ogolayn warbaahinta, hasayeeshee waxa faahfaahin ka bixiyay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood, waxaana uu ka hadlay waxyaabihii ay isku afgarteen intii uu kulankoodu socday, waxaanu yidhi.

Waxaanu kusoo dhawaynay xarunta wakaaladda Biyaha Hargeysa(WBH) wafti balaadhan ooy ay horkacayso Harriet Baldwin, oo ah wasiiru Dawlaha U qaabilsan Dawladda UK, Africa iyo Horumarka caalimaga, waxaa ku wehelinayay waftigan madaxa SDF iyo xubno sarsare oo ka socday Hay’adda DFID ee Deeqaha iyo Horumarka uqaabilsan

Dalka Britain, Dawladda Britain waxay taariikh wayn ku leedahay Biyaha Hargeysa iyadaoo dhistay nidaamkii Biyaha ee Hargeysa ugu horeeyay 1940s, mashaariicda biyaha lagu fidinayo haddana ka ah hormuud.

 waxaanu wasiirka uga warbixinay halka hawlaha socda marayaan iyo baahida loo qabo in lasii kordhiyo ceelasha biyaha ee Hargeysa loogu talogalay si nidaamka biyogalinta cusub ee Hargeysi u noqdo mid aad looga faaidaysto, codsiyada aanu ugudbinay wasiirka waxaa kow ka ahaa in lix ceel oo cusub lagu daro nidamaka biyaha Geed-Deeble, iyo in Daarasad lagu sameeyo suurtagalnimada qorshaha Dhaam Biyoodka loo yoqaan Botuchi oo khubaro badan u arkaan meesha Kaliya ee Hargeysa looga heli karo biyo ku filan mustaqbalka fog” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood.Image may contain: 3 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 3 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: one or more people and people sittingImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: 3 people, people standing and suitImage may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: one or more people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people smiling, people sittingImage may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: one or more people and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoor