Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay ergadii ka soo qayb gashay shirkii dib u eegista siyaasadda arrimaha dibadda ee lagu soo gabogabeeyey Hargaysa.
Ergadani oo ka kala socday dalal badan ayaa si weyn ugala shaqaynayay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland qaabkii loo sii dar-dar gelin lahaa Siyaasadda arrimaha dibadda iyo ictiraad raadinta Somaliland.
Wasiirka arrimha dibadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa ergadani kusoo dhaweeyay martiqaadka madaxweynuhu u fidiyey, ayaa sheegay in Somaliland ay abaal u hayso ergadan iyo dalalka ay ka yimaadeenba sida hagar la’aanta ah ee ay ula shaqeeyeen.
Ugu danbayna ergadani ayaa si weyn ugu mahadceliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland kulankaas uu u sameeyey u sameeyey wufuudda kala duwan, waxaanay sheegeen inay ka makhraati kici doonaan horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku soo arkeen, oo ay tahay in ay wax bartaan dalalka Afrika.