Masuul Dhawaan Uu Madaxweyne Biixi u Magacaabay Xil Oo Aflagaado Qaawan Kula Kacay Dhalinyarta+Shaqadiisa ugu Badan Oo Noqotay Social Media.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Ayaa Dhawaan u magacaabay Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Masuul lagu magacaabo Axmed Xassan Carwo inuu Noqdo Agaasimaha guud ee Baanka Dhexe Jsl Wakhtigaas oo Shacabka Somaliland La Daalaa Dhacayeen Duruufaha Nololeed ee Is biirsaday oo Culayska ugu weyni yahay Sixir bararka iyo Qiimaha dollarka oo aan hal maalin hoos inuu usoo dago daaye wax is bedel ahi ku iman,

Shaqadii baanka Dhexe oo la filayey inay Wax ka qabato Sarif Bararka Xadhkaha Goostay masuuliyiintii loo magacaabay Waxa kaliya ee ay qabteen Waa Fariimo Shacabka jaahwareeyey oo maalin kasta qiimo lagu sheego in isku bedelka lacagtu tahay balse aan ka shaqayn suuqa inay telefoonada bulshada ugu soo diraan. Halkii ay ahayd in ay Xakameeyaan qiimaha lacagaha qalaad lagu kala beddesho oo maalinba qiime gaara suuqa looga gooyo.

Sikastaba ha ahaatee Masuulkan oo kamida Kuwa Ku Fashilmay hawlihii Qaranka Looga Igmaday islamarkaan Inta badan Mashquul ku Ah Social media iyo isticmaalka Aalada Facebook oo inta Badan Bulshada kula wadaaga sawir uu kusoo galo xafiiskiisa ayaa Qoraal uu soo dhigay Bartiisa uu ku leeyahay facebook ay Si kulul uga dareen Celiyeen Dhalinyarta Kala Duwan ee Ku Kala Nool gobolada iyo Dagmooyinka Dalka, qoraalkaas oo aad Moodo dhinac inuu iyaga Ku Aflagaadaynayo, dhinacna inuu ku Kicinayo Dhalinyarta Dawlada iyo Xukuumada Maanta jirta oo uu yidhi dhalinyartii Waxay Noqdeen Kuwo Yes Men ah oo masuul kasta Madaxa u Ruxa sida ku cad qoraalkiisan, qoraalkan oo uu dhigan mid lagu dhiirigalinayo dhalinyarta Somaliland Inay Sameeyaan Kacdoon oo kadib markii ay dhamaysteen waxbarashada ilaa heer jaamacadeed 85% maanta shaqo la’aan la jooga suuqyada ayaa isagu qoraalkan isugu jira guubaabada iyo sumcad dilista Dhalinyarta Somaliland oo ah jiil jecel dalkooda islamarkaan diyaar u ah Qorshayaasha Kala duwan ee lagu jahaynayo dhalinyarta  ayaa Arrintani u muuqataa mid laf jab ku ah Xilka masuulkan Loo igmaday iyo Shaqada uu Qaranka u hayaba, Iyadoo laga Filayey masuulkan iyo masuuliyiinta kale ee lamidka ahba Inay iyagu yihiin kuwii la Doonayey inay iyagu Qorshe iyo Shaqo Abuur u Sameyaan Dhalinyarta Aqoonyahanka ah.

Akhri Qoraalka masuulkani la Wadaagay Bulshada.

“Markaanu dhalinta ahayn waxaanu rabnay inaanu wax bedelno. Maskaxdayadu waxay ahayd mid qaladka arki og, deedna jecel inay degdeg wax uga qabato.Maanta dhalinta joogtaa wey is dhiibeen. Xaalkoodu ma dhaafsana madaxa ooy u ruxaan madaxdooda, wax walba siday tahay ayey ula qabsadeen. Waa ururka aqoonyahanka reer hebel. Waa dhalinta daantaas, waa ciyaartooyga reer qudhac qabiil halkaas ayey ka joogaan. Waa wada yes men, aan waxba diidin. Isbedel dhaqan, dhaqaale ha joogtee dhagax dariiqa kama qaadaan. Waxaad moodaysaa inay uurka hooyo ku raageen oo iyaga oo gaboobay oo daalan dhasheen. Dhalineey hal abuur iyo dhiiranaan la kaalaya. Canaantu waa mid waalid idinla jecel horumar iyo mustaqbal wacan. Fursadaha ka faa’iida kuwa jira, kuwaan jirina idinku abuura. Noolaada oo naruuro hela.”