Saddexda Xisbi Qaranka Iyo Xukuumadda Oo Kulan Xal Loogu Raadinayo In Ay Doorasho Dalka Ka Dhacdo Yeeshay Iyo Qodobada Laysku Diidan Yahay

Hargaysa(GNN)Xisbiyadda Somaliland Ucid,Waddani iyo Kulmiye ayaa kulan Xasaasi ah oo gondaha laysku daray ku yeeshay magaaladda hargaysa,waxaana ay ka doodayaan qaabkii gudida doorashooyinka loo badali lahaa ama Loogu dari lahaa laba xubnood Oo Lagu kaabayo toddobadda xubnood ee gudida doorashooyinku ka kooban yihiin kuwaas oo xisbiyadda iyo xukuumadu isku mari layihiin ilaa hadda.

Kulankan oo albaabadu u xidhnayeen ayaa la sheegay inaanay xisbiyadda ilaa hadda isla qaadan go’aano lagu xalin karo khilaafyadda ka taagan Arimaha doorashooyinka somaliland Iyo Cidii Lagu Amaani lahaa doorashooyinka golayaasha deegaanka madaama oo xisbiga waddani uu hore kalsoonidii ugala Noqday Gudida Doorashooyinka Somaliland cadeeyayna in lakala diro gudida doorashooyinka.

 

Saddexda xisbi qaranka ee somaliland ayaa waxa kala hogaaminaya guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ucid Eg Faysal Cali Waraabe,Halka Xisbiga Waddanina Uu Horkacayo Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro,waxaana Xaga Kulmiye isagana hogaaminaya Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga kulmiye Axmed Cabdi Dheer iyo Xukuumadda uu ka socdo madaxwayne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylaci.

Shacabka Somaliland ayaa u dhagtaagaya go’aanadda ka soo bixi doona Kulamadda maalmihii ugu dambeeyay saddexda xisbi qaran iyo xukuumadda somaliland uga socday magaaladda hargaysa taas oo ay ku xidhan tahay in doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo baarlamaanku dhacaan,lakiin hadii laysku af-garan waayo in xal lagaadho waxa iman doonta in doorashooyinku dib u dhacaan.

GABILEY.NET