Safiirka Imaraadka ee somaliland Muxuu Ka yidhi Cida Magacowday+ Saamaynta Ay Marwada Madaxweyne Muuse Ku Lahayd

Hargaysa (GNN) Safiirka Somaliland ee Fadhigiisu yahay waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Mudane Xasan Yaasiin Hirad oo ah nin dhallinyaro ah oo dhawaan baddalay Safiirkii hore ee dalkaasi u joogay Somaliland Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa si weyn uga gubtay su’aal laga waydiiyey hadal haynta in badan soo noqnoqota ee la xidhiidha Magacaabistiisa safiirnimo in ay ka dambaysay Mid ka mid ah Marwooyinka Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay qaraabo dhaw yihiin isaga taasi oo uu ku sheegay mid aanay waxba ka jirin isaga oo xusay in haddii dawladihii hore sidaa u dhaqmayeen tan hadda joogtaa aanay sidaa u dhaqmin isna uu meesha ku joogo oo uu ku magaacan yahay aqoontiisa iyo kartidiisa sida uu hadalka u

dhigay.

Ambassador Xasan Yaasiin Hirad oo waraysi gaar ah siinayay Telefishanka BULSHO TV ayaa su’aalaha la waydiiyay waxa ka mid ahayd su’aal la xidhiidhay doorka ay Marwada Qaranku ku leedahay magacaabistiisa taasi oo uu gaashaanka ku dhuftay si weyna uga gubtay isaga oo sheegay in dadka arrintaa sheegaa yihiin kuwo masaakiin ah oo aan caqligoodu ku filnayn sida uu sheegay Safiirku isaga oo xusay in Go’aan qaadashada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanay wax saamayn ah ku lahayn marwooyinka qaranku isna uu xilkaasi ku helay muwaadin Somaliland ah oo aqoontiisa iyo aqoonta gaarka ah ee uu u leeyahay dalkaasi uu joogo ku helay xilkaasi loo magacaabay.
Safiirka Somaliland ee Imaaraadka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Sida kooban ee dadkeenu u fekeraan ayay tani ka turjumaysaa. Xaqiiqaduna waxa weeyaan marwada koowaad ama labada Marwo ee Madaxweynuhu leeyahay waa biri-ma-gaydo waxaanay mudan yihiin sharaf iyo wanaag. Dadka aqoonta leh ceeb bay ku tahay in ay u nisbeeyaan shaqo iyo go’aan madaxweyne gaadhay in ay xaawalaydii iyo marwooyinkii qaranka oo ah hooyooyinkii dalka in ay taataabtaan innaga dhaqan ahaa reer Somaliland la inaguma aqoon waase wax imika dhawaan bilaabmay. Marka loo soo noqdo Madaxweynaha ayaad wax isu tihiin iyo marwada qaranka ayaad wax isu tihiin waxba kuma hagaagaan. Labada marwo ee Madaxweynuhu waa hooyooyin qaran oo aan Madaxweynaha ku lahayn hebel magacow iyo hebel u tag. Anigu xaqiiqo ahaan waxaan aaminsanahay qaddarka Ilaahay iyo dadaal badan oo aan muujiyey iyo aqoontii meesha taallay ayaan anigu ku magacaabanahay.
Waxa ceeb ah nin muwaadin ah oo aqoonteedii leh oo waddanka u dhashay oo xilkaa qaban kara, luuqaddii iyo dhaqankii meesha hawshu ka socoto degan in loo nisbeeyo oo la yidhaa hebel bay wax isu yihiin. Maanta haddii aan is waraysano waxbaad ii tahay amma anaa wax kuu ah, ama hooyadaa baa wax ii ah, ama hooyaday baa wax kuu ah. Isku soo wada geeyoo wax isu ahaanshuhu ma aha wax wax lagu magacaabo.
haddii dawladihii hore ay sidaa ku shaqayn jireen anigu waxaan aaminsanahay in dawladdani ka duwan tahay aqoontayda ayaan ku magacaabanahay oo kuma magacowni hebel baad wax isu tihiin. Dadka dhallinyarada ah ee waxyaabaha noocaasi ah ku dhex jira aqoontoodii iyo kartidoodii iyo meeshii la rabay in ay ka soo baxaan haddii ay sidaa ku kaftamayaan oo ay suuqa sidaa ka leeyihiin iigama duwana dadka masaakiinta ah ee caqligoodu sida gaaban u fekerayo ee aanay aqoontoodu shaqaynaynin” ayuu yidhi