Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL Iyo Ciidamada Amaan Oo ku Guul Daraystay in ay Gacanta Kusoo Dhigaan Dablaydii Afduubtay Gaadhiga Shirkada Oomaar iyo Dareenada Ku Xeeran.

Hargeisa(GNN):-Dhawaan Ayey Ahayd markii Koox Dablay ahi oo Hubaysani  bariga magaalada hargaysa  ku Afduubeen Mid Kamida Gaadiidka Xamuulka Qaada ee Shirkada Oomaar Company, Taas oo Ciidamada Booliska Somaliland Hawlgal  ay Sameeyeen  usuurto gashay inay Gaadhaan Kooxdan Afduubka kula kacday Gaadhigan Xamuulka Siday iyo Dadkii watayba, Waxaana Inta la ogyahay Ciidmada Bilayska Somaliland hore Sheegeen In Ciidamadu ku guulaysteen Inay Soo Badbaadiyaan Gaadhigaasi iyo rarkii uu sidayba halka Ay Dablaydiina ka Baxsadeen, Waxaana Ciidamada Booliska Somaliland Oo Hawshaasi Si hawlkarnimo ah u gutay ahaydna waajibaadkii ay qaranka ugu xilsaarnaayeen Gaadhiigii Shirkadu lahayd iyo Gaadhi Noha ah oo ay Dablaydu Ka Yaaceenba La Keenay Xarunta Taliska Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland.

Laamaha Amaanka Iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo bulshada Reer Somaliland  Faahfaahin kasiiyay dhacdadan   Shaaciyayna In Sida ugu Dhakhsaha badan Sharciga La Horkeeni Doono Cid kasta Oo Falkan Ku Cusub Qaranka Somaliland Ama Kasoo Shaqaysay Gacanta lagu Soo Dhigidoono.

Hadaba Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Taliska Ciidaanka Sida  Wararka Xogogaalka ah oo Aanu ka  helayno Ayaa Sheegaya In Aaney jirin Wali Talaabo Rasmiya Oo Ay Ka Qaadeen Shaqsiyaadkii ka danbeeyay  Falkan Foosha Xun kuwaasi oo wali ku dhuumaalaysanaya gudaha dalka

Arrintan Oo bulshada Qaybaheeda kala duwan ee Ku kala Ganacsada gobolada iyo Degmooyinka Dalka Somaliland ku abuurtay  Werwer iyo Cabsi Xoogan Ku Keentay Ganacsatada reer Somaliland.

Waxaana Ilo Wareedyo  u dhuun Daloola Arrintan oo Aanu Helay Xaqiijiyeeen In Ciidamada Booliska Somaliland Gacanta Kusoo Dhigeen laba kamid ah kooxdan dablayda ah halka shakhsigii falkan ka danbeeyay aanay soo qaban

Xogaha laga helayo Falkan ayaa banaanka keenay in ciidamada amaanka iyo wasaarada arimaha guduhu ay ka gaabiyeen wax ka qabashadiisa kuna guul daraysteen Ilaa Hadda ma jirto Sababaha keenay in xukuumada madaxwayne muuse bixi udhayalsatay,

Wax ka qabasho la,aanta falkan foosha xun ee lagula kacay shirkada Oomaar Company ayaa dareeno kala duwan ka buurtay guud ahaan Somaliland iyadoo laga cabsi qabo in ay keento falal jawaab celin ah taasi hadii ay dhacdo saamayn balaadhan ku yeelan karta isku socodka ganacsiga xorta ee Somaliland iyo bulshada ku kala nool deegaanada Somaliland.

Sikastaba ha ahaatee xukuumada madaxwyne biixi iyo guud ahaan laamaha amaanka ee u xilsaaran wax ka qabashada falkan ayaa waxaa horyaala arimo hadii aan deg deg ah wax looga qaban khataro Badan Horseedi kara.

Maaha markii ugu horaysay ee fal noocan oo kala ah lagula kaco gaadiidka shirkada oomaar iyadoo isla kooxdani ay mar hore afduub u gaysteen gaadhi shirkada oomaar leedahay iyo sidoo kale ficilo lagu waxyeeleeyay dhismayaasha shirkadan ee ku yaala magaalada burco .

 

La Soco Wixii Warar Ah ee Kasoo Kordha Arrintan.