Wiil Uu Dhalay Marxuum Cigaal oo Ka Hadley Dacwada Dhul Lagu Haystay oo Loo Wareejiyay Hargeysa, Una Mahadnaqay Gudoomiyaha Maxkamada Sare.

Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore Somaliland Marxuum Cigaal oo lagu magacaabo Cali Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa waxa uu ka hadley halka ay marayso dacwada dhul ay leeyihiin oo ku yaala magaalada Berbera oo lagu haystay.

Dhinaca kale Cali Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa waxa kale oo uu sheegay in kiiska dacwadaasi loo soo gudbiyay magaalada Hargeysa islamarkaana ka garnaqiisa ay qaadi doonto Maxkamada Sare ee Somaliland, Isagoo Madaxweyaha iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare uga mahadnaqay sida ay ula shaqeeyeen.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka